Saxilnews.com
Waftigii Sammo Wadde Ee Gudoomiye Cirro Oo Gaadhay Xadka Somaliland Iyo Jabuuti Iyo Soo Dhawayn Balaadhan Oo Loogu Sameeyey Deegaanada Toqoshi Iyo Lawyo-Caddo+Sawiro
February 15, 2016 - Written by admin

Lawyo Cade (Saxilnews.com)-Weftigii SAMA-WADE ee uu hoggaaminaayey guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Ciro), isla mar ahaantaana muddooyinkii dambe socdaal ku maraayey goballada Galbeedka Somaliland, gaar ahaana deegaanada hoos yimaada goballada Awdal iyo Salal, ayaa maanta si ballaadhan looggu soo dhaweeyey magaalooyinka Toqoshi iyo Law-yacaddo.

Weftigan oo u jeedkiisu ahaa kormeeridda qaabka ay u socoto diiwaan-gelintu, ayaa waxa guddoomiye Cirro ku wehelinaayey guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo mas’uuliyiin aad u tira badan, waxaana duleedka magaalooyinkan kaga hor-yimi mas’uuliyiinta heer gobal iyo heer tuulo ee xisbiga WADDANI, taageerayaal iyo dadweyne aad u tira badan.

Waxaana guud ahaan soo dhaweynta weftigan oo ay ka qeyb-qaateen guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ay ku dhawaaqayeen hadalo ay ku soo dhaweynayaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI iyo weftiga uu hoggaaminaayo, iyaga oo tilmaamay in guddoomiye Cirro uu yahay shakhsiga qudha ee qarankan u jeexi kara dariiq tolmoon oo guud ahaan dalka ka abuura isbedel la mahadiyo, waxa kale oo ay carabka ku dhufteen in ay hore ugu hungoobeen xisbiga Kulmiye isla mar ahaantaana aanay sida oo kale dooran karin shakhsi ku sifoobay ka’kanaan iyo ad-adeyg.

“Waan ku faraxsanahay in weftiga uu hoggaaminaayo guddoomiye Cirro, in uu maanta nagu soo booqdo deegaanadan, waxa aanu ku lee nahay guddoomiye ku soo dhawoow magaalooyinrka isbedelka, ku soo dhawoow magaalooyin diyaar u ah in ay umadda u jiheeyaan halka cuddoon ee barwaaqadda ah, waxa aanu hore uga soo quusanay, kuna soo hungownay xisbiga Kulmiye ee hadda idin daba socda, xisbiga Kumiye ee maqaarsaarka ah, waxa aanu idin lee nahay halkan xisbiga WADDANI oo qudha ayaa hantay quluubta shacabka ku dhaqan deegaanadan, waana hubbaal in dhammaantayo aanu diyaar u nahay in aanu codkayaga si hagar la’aan ah u siino guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah dadweynaha deegaanada Toqoshi iyo Law-yacaddo.

Guddoomiye xigeenka xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, xildhibbaan Cali Aareeye iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan oo iyaguna khudbado kala duwan ka jeediyey deegaanaddaasi, ayaa mahadcelin ballaadhan ka bixiyey qaabkii tolmoonayd ee looggu qaabilay sida oo kalena looggu soo dhaweeyey guud ahaan deegaanaddaasi, waxaana ay carabka ku dhufteen in ay diyaar u yihiin in ay si dhabba u hirgeliyaan waxna uga qabtaan guud ahaan baahiyaha ka jira deegaanadaasi.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad uga mahadcelinaayo soo dhaweynta aan juujuubka lahayn ee ay ku qaabileen dadweynaha reer Lawyacaddo iyo Toqoshi, waxaana uu carabka ku dhuftay in uu wax badan ka qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay u soo gudbiyeen.

 

WWW.SAXILNEWS.COM

 

COMMENTS
Latest News