Saxilnews.com
Wafti uu hogaaminayo wasiiirka wasaarada qorshaynta qaranka ayaa kormeer kusoo maray mashaariic ay ka mid yihiiin dib i dhiska wadada isku xidha burco iyo berbera
June 23, 2022 - Written by Baas Rashiid

Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Dabagalka Iyo Qiimaynta ee Wasaaradda iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda ayaa kormeer ku soo maray dib u dhiska iyo dayac tirka Wadada isku xidha Magaalooyinka Berbera iyo Burco oo laga Maal galinayo Wajiga labaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF2.
Ugu horeyna waxaa Wasiirka War bixin kasiiyey Wadada qaybaha ay ka kooban tahay Hawl wadeenada gacanta ku haya dhismaha Wadada.
Intii uu kormeer ku socdayna waxay Masuuliyiintu soo kormeereen Goobaha ay shaqadu ka socoto oo ay kamid yihiin Biriishka Geel lookor iyo meelaha ugu daran ee wadada burburku ka soo gaadhay.
Dhismaha Wadadadn ayaa ka kooban 66 kiilo mitir(66km) iyo 4 biriish oo u dhexeeya Bebrera iyo Burco oo lagu samayn doono dib u dhis iyo Dayactir.

COMMENTS
Latest News