Saxilnews.com
Wafti Madax-dhaqameed Ah Oo Ka Socday Beesha Garxajis Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Degmada Xariirad Ee Gobolka Salel Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay+Sawiro  
October 2, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)Wafti culus oo madax-dhaqameed ah isla markaana ka socday beesha Garxajis ayaa si wayn maanta loogu soo dhaweeyey deegaanka Xariirad oo ka tirsan gobolka Salel.

Waxaana madax-dhaqameedkan si wayn usoo dhaweeyey odayaasha,waxgaradka cuqaasha iyo salaadiinta deegaanka Xariirad.

Ujeedada madax-dhaqameedkan ka socda Beesha Garxajis ayaa daaran sidii ay madax-dhaqameedka iyo odayaasha deegaanka xariirad ugala xaajoon lahaayeen ka wada hadalka xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Beelahan.

Waxaana sooryo iyo soo dhawayn balaadhan kadib ay madax-dhaqameedka beesha Ciise iyo madax-dhaqameedkan ka socday beesha Garxajis ay jilbaha isku dareen kulan saacado badan qaatay,kaas oo ka dhacday geedka Gerdaha ee magaalada Xariirad,waxaana ay labadan madax-dhaqameed ka wada hadleen xidhiidhka tolnimo iyo madax-dhaqameed ee ka dhaxeeya Beesha Ciise iyo beesha Garxajis.

Gabagabadiina kulankan ay jilbaha isku aasteen labadan madax-dhaqameed ayaa waxa labada dhinac isla qaateen sii xoojinta xidhiidhka gacaltooyo iyo madax-dhaqameednimo ee ka dhaxeeya beelahan.

 

COMMENTS
Latest News