Waanu Dhoofnaye Nasoo Dhaweeya!

0
14

Shalay ayay ahayd Markii ay Madaxda Sare ee Wasaarada Duulista Hawada Jamhuuriyada Somaliland ay soo saareen go’aan dhaxal gal ah oo lagu mamnuucay dadweynihii kusoo ururi jiray Madaarrada Dalkeena ee Durbaanka , Ubaxa iyo Sacabka kusoo dhawayn jiray ama ku sagootin jiray masuulyiinta Xukuumada, Xisbiyada Qaranka, Qurbajoogta iyo qof kasta oo la bidayo oo bulshada magac ku dhex leh.

Waxaana Arrintaasi ay muddo dheer werwer ku haysay Laamaha Amniga Dalkeena oo ka cabsi qabay in dadkaasi wax soo dhawaynaaya ay Sharwadayaal inoogu soo dhex gabadaan oo ay dhib u geystaan Amniga Madaarradeena oo imika ka mid ah Madaarrada ugu Amaanka fiican Geeska Afrika taasoo ku timi Dedaalka Xukuumada iyo Kartida Shaqaalaha iyo Madaxda Madaarrada Dalkeena oo si geesinimo leh oo Aqoon iyo Wadaniyadi ay ku dheehan tahay u gutay Masuuliyadooda.

Go’aankan Cusub oo uu ku amaanan yahay Madaxweynhaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isagu noqday Madaxweynihii u horreeyay ee joojiyay Salaan Sharaftii ay Ciidamadu ku siin jireen Madaarka sida ay bulshada u Caddeeyeen masuulyiinta Wasaarada Duulista Hawadu. Waxaana Talaabadani ay Tusaale fiican u tahay oo ay soo afjaraysaa qof kasta iyo Masuul kasta oo jeclaan jiray in Madaarka lagu sii sugo marka uu soo degayo ama dhoofayo, Waxaana qof kastaa uu ku qasban yahay fulinta Amarkaas Wasaarada.

Faaiidada Amni ee ay arrintani inoo leedahay ka sokow, waxaa nasan doona dadweynihii iyo Salaadiintii lasoo kalifi jiray ee Subax iyo Galaba hortaagnaan jiray Madaarrada si ay wax usoo dhaweeyaan ama wax u sagootiyaan.

Waxaan Hambalyo u dirayaa Madaxda Wasaarada Duulista Hawada iyo Maamulka Madaarka Hargeisa oo aan ugu Hambalyaynayo Go’aankan Taariikhiiga ah ee soo afjaray dadweynihii Madaarrada soo geli jiray si ay wax usoo dhaweeyaan ama wax u sagootiyaan.

Dhamaatay oo Dhamaatay Aanu Dhoofnee Nasoo Dhaweeya!

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here