Saxilnews.com
Waan Ka Xumahay Xadhiga Sharci Darrada Ah Ee Lagu Haysto Labadan Suxufi Mubarik Cismaan Siciid Iyo Ahmed Siciid Oo Ka Hawlgala Gobolka Gaar Berbera
February 9, 2017 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Waan Ka Xumahay Xadhiga Sharci Darrada Ah Ee Lagu Haysto Labadan Suxufi Mubarik Cismaan Siciid Iyo Ahmed Siciid Oo Ka Hawlgala Gobolka Gaar Berbera Kuwaasi Oo Malintii Shalay Ahaa Laga Soo Xidhay Iyagoo Ku Guda Jirra Shaqo Maalmeedkoodii

Kadib loo Tacaabay Saldhiga Dhexe Ee Berbera kadib markii Laga Soo Qabtay Goobtii Shaqada Bilaa Warranta (Bilaa Waraaq Soo Qabasho) Intaasi Kaidb Taliyaha Ciidanka Ayaa Sheegay Inaan Lagu Booqan Karin Saldhiga Dhexe Maruun Isku Daynay Inaanu SOo Booqano Anagoo Isugu Jirna Saxaafada Gobolka Saaxil Iyo Ururka Suxufiyiinta Solja Taliyaha Ayaa Nagu Amaray Inaanu Soo Qorno Taliyaha Ayaa Diiday Soo Qoora Waa Sida Uu Yidhi Taliyaha Booliska Gobolka Saaxil Mursal Sugule Warsame

Markii Intaasi Dhacay Waanu Isakaga Noqonay Ta Xigtay aya Ahayd In labadaasi Suxufi Saaka Loo Dhaadhciyey Xabsiga Dhexe EE Berbera iyadoo Si xoogle Loo Ilaalinayo Oo Ay Galbinayaan Gaadiidka Gaashaman Ee Ciidanku

Xadhigan Labada Suxufi Ayaa Ka Danbaysay Kadib Markii Ay Is Af Dhaafeen Mid Kamid Ah Darewaliinta Madaxtooyada Somaliland Laguna Magacaabo Darewal Abshir kadib markii uu isku dayey inuu iska hortaago shaqadii ay wateen Ee Suxufinimo

By : Mukhtar Cabdirahman
Ururka Suxufiyiinta Solja Gobolka Saaxil

COMMENTS
Latest News