Saxilnews.com
Waa Maxay Cudurka Cabeebka Ee Dadka Ku Dhacaa, Maxaa Keena Cabeebka Sideese Loola Tacaalaa?
November 7, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews) Waxa aan qormadan kooban ee caafimaad ee maanta ku soo qaadan doonaa cudur si weyn ugu badan ubadka Soomaalida oo aad dhakhaatiirta iyo goobaha caafimaadka ku arkayso ubad badan oo qaba waana cudurka Cabeebka loo yaqaanno ee ubadka iyo dadka waaweynba kaga dhaca afka, inkasta oo aanu ahayn mid ubadka ku kooban, sidoo kalena ku dhici kara xubno kale oo jidhka ka mida.xanuunka-cabeebka
Cabeeb-ku waa infakshan guud oo ku dhaca jidhka meelihiisa jilicsan khaas ahaan xuub-dheecaanka “mucous membrane” sida Afka, Ibta naasaha iyo Cawrada. Si guud waa kaasi balse waxa aan uga soconaa maanta kan ubadka iyo dadka waaweynba kaga dhaca afka.
Cabeebka waxaa keena jeermiska khamiiriyaha ee loo yaqaan Candida albicans. Waana jeermis jecel inuu ku koro meelaha diirran ee qoyan sida afka (Oral Candida), waxaanu ku dhuuntaa maqaarka ku yaalla sarcanta, dabada agagaarkeeda, marmarka qaarkoodna kilaankilada.
Afka gudahiisa, jeermiskani waxa uu ku sameeyaa meelo cad cad oo guduud ku jiro. Badanaa wareega camanka (Daanka xaggiisa hoose), laakiin marmarka qaarkood wuxuu galaa cirridka, dhanxalagga ama carrabka. Kaasoo ubadka marka uu ku dhaco joog iyo jiifba u diida cuntadana ka jara.
Cabeebku wuxuu ku dhacaa badanaa maqaarka meelaha sarcamuhu ku yaalliin. Dabadeedna waxay ku fidaan bawdyaha ama badhida meelaha ka fog maqaarka kaas oo ay wax yeeshay jeermiskani. Midkani caam ayuu ku yahay meelaha xafaayadda lagu xidho halkaas oo qoyan isla markaana diirran. Meelaha infakshanku ku dhashay waxay yeeshaan guduud waxaana dhici kara in wax fuulaan qarka laymanka yaryar oo ku fidaya meelaha maqaarku ka laaban yahay.
Yuu Ku Dhacaa Cabeebku?
1- Caruurta yaryar, waxaana ku badan nooca afka, taasoo u keenta inay diidaan wax cunista ama nuujinta naaska.
2- Dadka xidha ilkaha aartifishalka ah, weliba haddii aan habeenkii la iska siibin markii la seexanayo ama joogto loo nadiifinin.
3- Dadka joogteeya cunista daawooyinka qallajiyaha ama antiobitikada, taasoo disha bakteeriyada fiican ee jidhka ka ilaalisa cabeebka iyo wixii la mid ah.
4- Dadka ku luqluqda daawooyinka lagu dilo bakteeriyada af-ka.
5- Dadka isticmaala daawooyinka difaaca jidhka hoos u dhiga sida “steroids-ka” oo Soomaalidu aad u isticmaasho iyo daawooyinka neefta loo qaato oo iyadana ay ku jiraan.
6- Dadka badnaa afkoodu qalalan yahay een calyadu ku yartahay, waxay fursad siisaa in jeermiska Candida ku dhex tarmo afkooda.
7- Dadka Cudurka sonkorta (Macaanka) qabaa waxay halis ugu jiraan xanuunkan maadaama sonkortu ay dhiigga macaanayso, difaacana hoos u dhigto, taasoo ku kaalmaynaysa jeermiskan inuu tarmo.
8- Dadka dhiig-yaridu hayso ama uu ku yar yahay Fiitamiin-ka B12.
9- Dadka difaaca jidhkoodu liito sida dadka cudurka Aydhiska qaba.
10- Dadka sigaarka caba way uga nugul yihiin dadka kale inuu cabeeb ku dhaco.
Maxaa Lagu Gartaa Cabeebka?
Cabeebka waxaa qaba boqolkiiba 20% dadweynaha iyadoo aan keenin wax dhibaato ah. Haddii ay jiraan xaallado gaara, sida isticmaalidda antibaayootikis, waxaa dhici kara in cabeebka intii ka sii weynaato. Waxaa dhici karta cuntada afka lagaga tegay sida cabitaana macaan ama caano, inay qayb ka qaadato koritaanka infakshanka cabeebka.
Qoyaanka iyo diirrimaadka meelaha diiran (meelaha laabma ee maqaarka) khaasatan meelaha xanuun maqaarku ay ka jirto, ayaa ka dhigi kara cabeebka infakshan inay noqoto.
Calaamadahan Soo Socdo Iska Eeg, Hadduu Kaaga Dhaco:
1- Afka: nabro cadcad ama carrabka oo ku casaada, dhanxaraga ama daamanka gudahooda oo ku xanuuna markaa wax cunaysid.
2– Xubnaha Taranka: waxaa lagu gartaa cuncun iyo qoyaan cad oo labeen-ta u eg oo aan dhakhso u fuqaynin. Gaar ahaan xubnaha taranka ee haweenka.
3- Ibta Naasaha: wuxuu aad ugu badan yahay haweenka ilmaha nuujiya, waxaana lagu arkaa dildillaac yar oo loo maleeyo in sakiin lagu jaray aadna u xanuun badan xilliga naas nuujinta.
Sadaxdaa meelood ayaa ugu badan meelaha cabeebka uu ku dhaco, intubana waa meelo jilicsan oo qoyan oo jeermiskani ku tarmi karo si sahlan.
Haddii aad astaamahaas isku aragto fadlan la xidhiidh dhakhtarka si laguugu qoro daawo loogu tala galay, maxaa yeelay daawooyinka kale way kaaga sii darayaan sida kareemyada la mariyo oo badanaa ku jiraan maadada “Steroid-ka” iyo qallajiyayaasha oo sii faafiya xanuunkan.
Sidee Loola Tacaalaa Ama Lagu Daaweeyaa Cabeebka?
-Daawada loogu tala galay cabeebka waxaa ka mid ah kiriim la mariyo meelaha naabigu aafeeyey iyo jell ama saliid la mariyo ama lagu shubo afka. Haddii hooyadu yeellato cabeebka ibta naaska waxay u baahnaan doontaa daawo dhakhtar u qoro.
-Daawadaan waxay leedahay kaniini iyo cirbad, waxayna ku xiran tahay daawada nooca lagu siinayo heerka uu gaarsiisan yahay cabeebkaaga.
Sidee Looga Hortagi Karaa Cabeebka?
Cabiraadda guud oo inaga caawinaysa in lagu hortago cudurkani waxa weeye in la ogaado marka hore waxa ay bakteeriyada keentaa jeceshahay waana:
-Joojinta daawooyinka antibaayootikiska sida ugu dhaqsaha badan.
-Si taxadara loogu qalajinta meelaha maqaarku ka laabmo maydhiga ka dib
-Isticmaalida dhar aan kugu dheganayn si aad isaga ilaaliso inaad kululaato
-Xakameynta heerka sonkortaada ama macaankaaga
-Qaadashada cunno nafaqo leh.
-Iska daaweynta xanuuanda difaaca jidhka hoos u dhiga.
-Joojinta cabidda sigaarka iyo aalkolka
Cabeebku waa xanuun dhakhtar guud uu daaweyn karo, laakiin hadduu dhakhtarku uu dareemo in cabeebku uu kugu soo laalaabanayo wuxuu kugula talin karaa in baadhis dheeraad ah lagugu sameeyo jidhkaaga sida in la baadho difaaca jidhkaaga inuu hooseeyo iyo in kale.
Hooyooyinka reer Somaliland ee marka ilmahooda Cabeeb ku dhaco kula orda dab lagu dhajiyo, sonkor lagu shubo ama walxo kale oo daawo dhaqameed ah waxa la gudboon in ay degdeg ilmaha dhakhtar u geeyaan si loo siiyo daawooyin ku habboon maadaama Cabeebku aad ugu badan yahay ubadkeena yaryar oo uu dhibaato badan ku hayo.
Qalinka: Dr. Cabdilaahi M. Mahdi

COMMENTS
Latest News