Hargaysa (Saxilnews.com)-Waxaa jira dhibaatooyin iyo cabashooyin ka imanayaa saxaafada sida dhow ula shaqaysa xisbiga wadani taasi oo inta badan ka cabanaysa dhinaca curquunka yare e laga qaato munaasibadaha la qabto ama shirarka uu xisbigu qabto oo aan sidii loogu talagalay u fulin amaba aan gaadhin taasina waxay keentay inay guud ahaanba dhan isugu baydhaan saxaafada sida dhow ula shaqayn jirtay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee wadani
Taasina waxaa keentay kadib markii uu uxilsaaranaha lacagta saxaafada ee xisbigaasi uu ku kacay talaabooyin musuq maasuq oo ay ka muuqto isku dhufashada maamulka xisbiga iyo saxaafada madaxabanaan oo sida fiinta uga qaylisay maamul xumada xisbiga ee dhanka saxaafada iyo xatooyada lacagaha saxaafada (Qabaxda) kadib markii uu si badheedh ah iskaga macmiishay inuu lacagahaasi isbaaro ugallo Ninka lagu magacaabo Cabdirashiid Jeeni oo xogahayn usii ah Xogyaha Warfaafinta Cabdirashiid Xasan Mataan oo ah isaga laftiisu nin maskiin ah oo aan haba yaraatee wax dhaqdhaaqa ah lasocon Karin taasina waxay keentay inuu gacanta la baxo oo siduu doono ka yeelo lacagaha yare e saxaafada loogu tallo galay isla markana uu iskaga maamusho arimihiisa gaar ah ee ay ugu horayso tamashlaynta iyo iibsiga baaburta casriga ah balse arintani ayaa samayn wayn oo dhanka saxaafada ah ku yeelan doonta hogaanka sare ee xisbigaasi
Waxaana jira ilaa hada saxaafado kadinka ka baxay kadib markii talaabo laga qaadi waayey wiilkan xalaashaday xoolaha maalin dagaalka ah ee saxaafada loogu tallo galay waxayn arintani astaan unoqonaysaa maamul xumada ka jirta waaxyaha aan la tabine xisbiga wadani
Saxaafada ayaa mudo dheer ka cabanaysay wiilkan sida xun u isticmaalo shaqada loo igmaday waxayna keenaysa inay gabi ahaanba saxaafada ka ha hureesho wada shaqaynta xisbigaasi ,
Waxaana aanu qoraalkeena soo socda kusoo bandhigidoona lacago uu si badheedh iyo si khiyaamo leh ulunsaday wiilkaasi waxay arintani noqonaysaa mid ay si isku mid ah u arkidoonaan guud ahaanba saxaada Somaliland gaar ahaana saxaafada la shaqaysa xisbigaasi oo intooda badani sida fiinta uga qaylisay (Qabax Weerarkaasi )ka dilaacay xisbiga wadani waana markii ugu horaysay ee shakhsiyaad noocan ah lagu arko laamaha hooseee xisbigaasi waxaanu astaan ka dhigtaa wiilkaasi mid nadiif ah oo biyo madaadshe ah hase yeeshe wuxuu noqday aboorka ugu wayn ee saxaafada ka qariyey hogaanka xisbigaasi waxaana soo baxayey bilihii udanbeeyey habac sanaan dhanka saxaafada ah oo ku yimi xisbigaasi oo ay horsed ka tahay arintani
Waxaan odhan lahaa wiilkaasi hadii aad iska dhaafi waydo lacagaha ama dhidid saxaafada Kiiniin ayaad siisan doontaa ‘’
Alla Mahad leh
Qore : Cabdilaahi Aadan
Abdilaahi11@gmail.com