USA oo ka xun heshiis la’aanta S.Sudan….

0
14
Dagaalka Koonfurta Sudan ayaa socday 20 bilood

Sudan (Saxilnews.com)-Wakhtigii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay in heshiis looga gaaro xiisadda Koofurta Sudan ayaa dhamaaday, ayadoo madaxweyne Salva Kiir uusan saxiixin hesiiska, halka hogaamiyaha fallaagada Riek Machar uu saxiixay.

Xukuumadda Koofurta Sudan waxay qabsatay 15 maalmood si ay uga baaraan degto qodobada heshiiska.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in dawladda Koofurta sudan ay heshiiska saxiixi weydo.

Mareykanka ayaa xukuumadda Juba ugu baaqay in muddada 15-ka maalmood ah ay ku saxiixdo heshiiska.

Beesha caalamka ayaa ugu digtay labada dhinac in ay cunaqabateyn wajihi doonaan, haddii ay ku guuldareystaan gaarida heshiis lagu soo afjarayo colaadda muddada 20-ka bilood ah dalkaasi ka socotay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Saxilnews005@gmail.com

 

 

Berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here