Saxilnews.com
Hotelkii Ay Ka Deganaayeen Hargaysa Waftigii Reer Buhoodle Ee Hargaysa Yimi Oo Dagaal Gacan ka Hadal
February 14, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News)-

Gacan ka hadal ayaa shalay ku dhex maray weftigii Cuqaasha ahaa ee ka yimi Buuhoodle iyo koox kale hotelka ay la dajiyey.

Lama oga khasaaraha uu gacan ka hadalkaasi sababay, hase yeeshee waxa la sheegay in khilaafkoodu ka dhashay labada kooxood oo ku kala qaybsan argtida imaanshahooga Hargeysa, kaasoo koox na ay Xukuumaddu martiqaaday, kooxda kale-na la sheegayo in uu Wasiirka Caafimaadku soo casuumay.

Dad ka ag-dhawaa hotelka ay weftiga cuqaasha ahi deagn yihiin ayaa Warbaahinta  u sheegay in kooxda kale dul timi isla markaana ay damceen inay Hotelka la degaan qorshahaas oo ay kooxda kale diiday, waxaanay kooxda xukuumaddu soo casuuntay ee Hotelka degani u arkeen in aanay qaadi Karin martigalinta kooxda kale.

Labada kooxood ayaa u kala muuqda kuwo ujeeddooyin kala duwan iyo ajandayaal kala fog wadata, waxaanay kooxi u socotaa cabashooyin iyo gar-naqsi ay doonayaan inay xukuumadda u bandhigaan, kuwaas oo ay ku jiraan wasiirka Gobolkooda ka soo jeeda, halka kooxda kale-na ay usocdaan sidii ay u daadifayn lahaayeen cabashadooda.

Si kasta ha ahaatee xafiiltanka iyo gacan ka hadalka labada garab ee Buuhoodle ayaa salka ku haya khilaaf siyaasadeed iyo mid Mansab oo ay kala wataan madaxda gobolkaasi kaga jirta Dawladda Somaliland, tanoo saamayn ku yeelatay in Gobolku helo Horumarka ka muuqda gobolada kale ee Dalka.

Xigasho Haleel News

COMMENTS
Latest News