Toddobo mayd oo laga helay guri ku yaalla Australia

0
18
Booliiska oo ku sugan goobta uu weerarku ka dhacay

Toddobo ruux oo mayd ah ayaa laga helay dhisme ku yaalla cirifka Galbeed ee Australia, sida ay booliisku sheegeen.

Maydadka afar carruur ah iyo saddex ruux oo qaangaar ah ayaa laga helay magaalada Osmington oo 280km kaga beegan koonfurta magaalad Perth Jimcahan.

Masuuliyiinta ayaan ka hadlin sida ay dadkaasi u dhinteen balse waxay xaqiijiyeen in labo qori lagu arkay goobta uu dhibkaasi ka dhacay.

Ma jirto halis kale oo ay bulshadu ka baqaan, ayuu yiri booliisku, mana aysan xaqiijinin in qof maydadka ka mid ah uu dadka laayay ka dibna uu is dilay.

Labo mayd oo qaangaar ah ayaa ayaa laga helay daaradda shan mayd oo kalana waxaa laga helay gudaha dhismaha, sida uu sheegay taliyaha booliiska Galbeedka Australia ama WA.

“Waxay u muuqataa in xabbad ay ku taallo jirka maydadka, balse ma rabo in aan wax intaas ka badan ka sheego.”

Haddii la xaqiijiyo wuxuu noqon doonaa dil wadareedkii ugu xumaa ee Australia ka dhaca tan iyo xasuuqii Tasmania ee galaaftay nolosha 35ta ruux taariikhdu markay ahayd 1996

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here