Saxilnews.com
Thailand oo raadineysa nin ka muuqday CCTV…..
August 19, 2015 - Written by yusuf maxamed

Thailand  (Saxilnews.com)-Booliska dalka Thailand waxa ay raadinayaan nin ka soo muuqday kaamirada amniga ee CCTV, kaas oo boorso kaga tagay bartamaha magaalada Bankok oo uu qarax ka dhacay.

Inkabadan 20 qof ayaa qaraxaasi, oo ka dhacay meel la sheegay inay barakeysan tahay, ku dhimatay.

Fiidiyow la baahiyay ayaa waxaa ka muuqda wiil dhallinyaro ah oo timo madow oo badan leh, fanaanad jaalle ahna xiran, uu si tartiib ah u galay dhismaha, isla markiina waxa uu bixiyay boorsada uu watay ka hor intuusan meesha ka bixin.

Maamulka dalkaasi ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in qarax labaad oo Talaadadii ka dhacay meel basaska dalxiisayaasha istaagaan lala xiriirinayo midkan.

Bara-koontoroollo ayaa ciidamada iyo booliska ay ka sameysteen gudaha caasimadda, iyagoo ninkaasi raadinaya.

 

 

 

 

 

 

maxamed xasan aadan

 

 

 

 

saxilnews005@gmail.com

 

 

 

COMMENTS
Latest News