Saxilnews.com
Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Somaliya Oo Ciidanka Dalkaasi Ku Soo Rogay Amar Oo Soo Faray Madaxweyne Farmaajo + Maxuu Yahay Amarkaasi
February 9, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (SaxilNews):- Taliyaha ciidanka xoogga dalka Somaliya Jeneraal Maxamed Aadan Axmedayaa ku amray in ciidamada Milatariga ay iskaga baxaan magaalada Muqdisho ayna joojiyaan rasaasta ay ridayeen.

Image may contain: 1 person, hat, sunglasses and closeup

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa xalay illaa iyo maanta ay ka dhacayeen dabaaldegyo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo iyadoo ciidamaduna ay rasaas badan ridayeen.

 

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in aan loo baahnayn rasaas in la qasaariyo waxana uu sheegay in ciidamo ka mid ah kuwa Milatariga in ay ilaalo u yihiin musharaxiinta ayna tahay in ay dib ugu laabtaan fariisamahooda.

Sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in taliyeyaasha booliska iyo nabad sugidda ay dacwo kaga timid oo arrintaasi la xidhidhta islamarkaana ciidanka Millateriga ay magaalada ka baxaan

COMMENTS
Latest News