Saxilnews.com
Taliska Ciidamada AMISOM Oo Ka Hadlay Dawlad Ciidankeeda Kala Baxaysa Dalka Somaliya Iyo Walaaca Ay Ka Muujieen.
November 14, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Afhayeenka Ciidamada Amisom Jeo Kibet oo warsaxaafadeed soo saaray waxa uu sheegay in dawlada dalka Dalka Itoobiya ay dhamaanba Ciidamadeeda ee Hawlgalka Amisom u jooga Somaliya kala baxayso dalka,

Jeo Kibet waxa uu walaac ka muujiyey in niyad jab ay ku keenayso arintani hawlgalada ciidamada Amisom ee Somaliya Jooga isaga oo sheegay in haatan ay kala dhantaal ku imanayso hawl galo qorshaysnaa oo ay u dajiyeen dagaalka lagula jiro xarakada Alshabaab,

Dawlada Itoobiya oo ciidamadeeda kala baxaysa dalka Somaliya ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey waxa ciidamada Itoobiya ka baxeen saldhig kala duwan oo ay ku lahaayeen Koonfurta iyo badhtamaha somaliya halkaasi oo ay dib u qabsadeen Alshabaab,

Xukuumada Addis ababa ayaa talaabada ay kula baxeyso ciidamada ka jooga Soomaaliya ku macneysay inay tahay dhaqaalo yari soo wajahday iyo gaabis ku yimid deeqihii dibeda.

Saraakiisha Itoobiya ayaa dhowaan sheegay in in ciidamadooda aan ka midka aheyn AMISOM ay kala baxayaan Soomaaliya, hase ahaatee taliska AMISOM ayaa hadda sheegaya in Itoobiya ay la baxeyso guud ahaanba ciidamadeeda.

Madaxwayne Xasan Sheekh xilli uu dhawaan tagay Dalka Itoobiya ayaa waxa uu ka codsaday Madaxda dalkaasi in ay dib u dhigis ku sameeyaan la bixitaanka ciidamada ka jooga Somaliya tan iyo inta ay halkaasi ka dhacayaan Dooarshooyinku.

COMMENTS
Latest News