Saxilnews.com
Tababaraha Kooxda Chelsea Ee Antonio Conte Oo Sharaxay Sababtii Uu Kaydka U Dhigay Eden Hazard Kulankii Huddersfield.
May 10, 2018 - Written by editor

 

Tababaraha Kooxda chelsea ee Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday go,aankii uu kaydka ku dhigay xiddiga kooxdiisa garabka uga ciyaara ee Eden Hazard kulankii ay bar-baraha la galeen kooxda Huddersfield.

Tababaraha chelsea ee Antonio Conte ayaa sheegay in uuna Eden Hazard u nasin kulanka Finalka FA Cup-ka kulankii Huddersield.

Hazard ayaa kaydka ka soo kacay kulankii Ay Blues bar-baraha la gashay kooxda Huddersfield kana tirsanaa horyaalka premier League.

Xilli ay kooxda chelsea u baahnayd in ay guul gaarto si ay u noolayso rajadeeda u soo bixitaanka champions League xilli ciyaareedka dambe hadana Conte ayaa go,aamiyay in uu kaydka dhigo xiddigiisa ugu muhiimsan kaas oo ugaarsaday kadib markii ay kooxdiisu bar-baro kala baxday kulankii xalay.

Antonio Conte oo wax laga waydiiyay in uu kaydka u dhigay Hazard in uu u nasiyo kulanka Finalka ee Man United ayuu yiri” May, waxa aan shaxda is badal ku sameeyay kulankii Burnley”.

“Marka aad is badal shaxda ku samaynayso waxa ay la macno tahay in ay ciyaaraan xiddigaha Morata,Willain iyo Christensen oo aan ciyaarin kulan kasta”.

“Waxa aanu haysanaa koox badan karta, waxa aan dadaal badan ku bixinay kulankii Liverpoolm tan ayaa ah kubada cagta”

COMMENTS
Latest News