TAARIIKH NOLOLEEDKII DR OMAR ELMI DUHOD QALINKII KHADAR GOOD JAMA

0
17

Dr Omar wuxuu ahaa deeqsi gacan furan. Aan soo qaato gabaygii baroor diiq ee Ali Jaamac Haabiil. Gab hadey

TAARIIKH NOLOLEEDKII DR OMAR ELMI DUHOD QALINKII KHADAR GOOD JAMA.

Dr Omar wuxuu ahaa deeqsi gacan furan. Aan soo qaato gabaygii baroor diiq ee Ali Jaamac Haabiil. Gab hadey martidu soo tidhaa goor u na la joogo godka lagu janeeyow haduu goosan la caraabo, garab saar rag weeye haduu gogosha soo qaato gasiinkii la soo dhigay hadaad gal iyo daad moodo godolku ku hasaawin jirey gacanayaa mooyi afmaalkii Ali Jaamac Haabiil.

Dr Diixood waxaa loo magacaabey Hogaanka Caafimaadka ee qaybtii 21 aad ciidankii dalweynihii la isku odhan jirey Somalia. Ciidankii qaybtii 21 aad ee magaalada dhuuso mareeb xaruntiisu ahayd dr dixood wuxuu ka mid ahaa shanti sarkaal ee ugu sareeyey ciidankii qaybta 21 aad.

Shantii sarkaal waxay kala ahaayeen gaashaanle dhexe cabdi cismaan

(cabdi caluuq) alle how naxariistee wuxuu ahaa taliyihii qaybta 21 aad. 2) Gaashaanle dhexe Shanfool abaanduulaha qaybta 21 aad. 3) Gaashaanle Maxamed Jaamac (fadhi ku salaam) madaxa hawl galinta qaybta 21 aad. 4) Gaashaanle Dr Cumar Cilmi Dixood taliyaha hogaanka caafimaadka ee qaybta 21 aad. 5) Gaashaanle gacmo dheere hogaanka siyaasada alle how naxaristee ku geeriyoodey dagaalkii itoobiya iyo Somali dhex marey 1977. Shantaa sarkaal ayaa ugu sareeyey qaybtii 21 aad, saraakiishii ka hooseysay shantaa sarkaal waxay kala ahaayeen. 1) Dhamme Axmed Maxamed Siciid (karandaas) taliyaha hogaanka gaadiidka alle how naxaristee oo sanad ka hor ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa. 2) Dhamme Maxamed Kaahin Axmed Taliyah hogaanka sahanka oo imika ah gudoomiye ku xigeenke xisbiga kulmiye. 3) Dhamme cabdilaahi axmed jaamac (ilko jiir) taliyaha taliska qayb 21 aad, wasiirkii arimaha gudaha ee maamul goboleedka putland waqtigii faroole. 4) Dhamme cabdiraxmaan xoog alle how naxariistee, ku geeriyoodey 1983 shil baabuur jidka isku xidha hargeysa iyo berbera dhex dooda. 5) Sarkaal xigeen Maxamed Cali Dheere oo imika ah taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Somaliland. Afeef shanfool magaciisa oo sadexan ma hayo iiga raali ahaada. Dhextaal deg deg ah tacsi waxaan u dirayaa qayskii qaraabadii uu ka baxay dr cabdi aw daahir cali oo ku geeriyoodey magaalada burco. Dr Cabdi Aw Daahir oo aan soo wada shaqeyney waqtigii halkan. Cabdi Aw Daahir wuxuu ahaa markii dagaalka hubeysan lagu jirey hormoodkii qaliinka ee aaga dhexe ee bariga.

Xaruntii cafimaadka tuuladii sibidhley 1997 kii wuxuu madaxwey cigaal u magacaabey wasiirka wasaarada caafimaadka. 2002 markii la abuurey xisbigii udub wuxuu noqday gudoomiyihii ugu horeeyey ee Uduib. 2010 madaxweyne siiraanyo wuxuu u magacaabey wasiirka xanaanada xoolaha. Eebe Samir iyo iiman ha siiyo dadka reer Somaliland aamiin. Laa soco qaybta 3aaad.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here