Saxilnews.com
Suuqa saamiyada Shiinaha oo sii dhacaya
August 24, 2015 - Written by admin
Maalgashatada ayaa ka qaba cabsi badan lacagtii ay geliyeen saamiyada hoos u dhacay.

Shiinaha (Saxilnews)-Saamiyada shirkadaha Shiinaha ayaa hoos u sii dhacaya, iyadoo walaaac laga qabo dhaqaalaha hoos u dhacaya iyo suuq dhaqso isku badalaya ay u keentay suuqa cabsi badan.

Sicirka suuqa Shanghai ayaa xirmay isagoo hoos u dhacay 8.5 boqolkiiba.

Suuqa shiinaha ayaa hadda hoos u dhacay in kabadan soddon boqolkiiba tan iyo June dhexdeedii.

Dhamaan Asia, suuqa saamiyada ayaa hoos u dhacay markay xireen maanta oo Isniin ah. Halka suuqa Yurub uu furmay isagoo hoos u dhacay.

 

 

 

maxamed xasan aadan

 

 

saxilnews005@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News