Saxilnews.com
Sultan ayaanle sultan maxamed maxamud xandule ayaa tacsi u diray geerida ku timi sultan rashiid sultan cali ducaale
April 1, 2021 - Written by editor

Sultan ayaanle sultan maxamed maxamud xandule sultan saaxil ayaa tacsi u diray geerida naxdinta leh ee ku timi marxuun siltan rashiid sultan cali ducaale sultanka gobolka sanaag

Waxaana uu yidhi

“Anigoo ah sultan ayaanle sultan maxamed maxamud xandule waxa aaan halkan Waxa aan tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa ehelada, qaraabada, bahda dhaqanka, asxaabta, iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale oo maanta ku geeriyooday magaalada Ceerigaabo ee Caasimadda Gobolka Sanaag.

AHU Suldaan Rashiid waxa uu ka mid ahaa bud-dhigayaashii seeska u dhigay nabaddaynta, iyo dib-u-heshiisiinta Qaranka. Waxa aan marag ka ahay in uu ahaa addoon cibaado badan, Alle ka cabsi badan isla markaana nabadda iyo islaaxinta mujtamaca in badan ka shaqeynayey. Ilaahay Jannatul Firdowsa ha ugu deeqo, innagana samir iyo iiman saadaq ah ha inaga wada siiyo. Aamiin.

COMMENTS
Latest News