Saxilnews.com
SONYO HALKEEBAY KU SOCOTAA ??? QAYBTII 2-AAD
February 3, 2015 - Written by admin

Sii socoshada xaalada adag ee ay ku sugan tahay dallada SONYO waa mid dhabar jab ku keeni karta cid kasta oo ku fikiraysa inay sameeyaan ama keenaan Dallado wax qabad ah oo laga mahadiyo dalka oo dhan.

SONYO maanta waxay u baahan tahay gurmad aad u wayn oo ay ka galaan dhamaanba dadka daneeya horumarka iyo wax wada qabsiga dhalinyarada, SONYO waa marki ugu horaysay ee khilaafkan culisi uu soo kala dhex galo, tana waxa keentay ayaa la odhan kara hirdanka siyaasadeed ee dalka ka jira kuwaas oo ay si xad dhaaf ah ay ugu milmeen iyo xukuumada oo aan la simin dalladaha kale ee dalka ka jira, taas oo
dadka qaar ula muuqatay in meesha siyaasadi ku jirto oo dawladu doonayso inay ka faa’iidaysato yadoo lagu magacaabayo Dallada Dhalinyarada ee Qaranka sida inta badan ku soo baxda Media-yaha oo laga wada dheregsan yahay.

Guud ahaan SONYO waa ururo isu tegay oo ku bahobay magaca SONYO, lkn markii ay ku milmeen aad na u dhex galeen siyaasada dalka ayaa waxa keentay inay ku hirdamaan asxaabta siyaasadu cida qabanaysa ama noqonaysa maamulka dallada SONYO. Taas oo keentay in laysu tanaasuli waayo sidii markii horeba lagu yiqiin Dallada.

Hadaba maanta waxa xalku ku jiraa maaha in la kala maqnaado e waa in laysu yimaadaa, yadoo ay xubno dhexdhexaad ahi ka hawl galayaan arinkaas oo ay si cadaalad ah ugu gar soorayaan dhamaanba cida isku haysa hogaaminta Dallada, waana in ay dhamaanba faraha kala baxaan cid kasta oo loo tuhmayo inay gacanta kula jirto arimaha dallada.

 

Waxaan u soo jeedinayaa dhamanba ururada bulshada ee ka jira Somaliland inay ka qayb qaataan isu soo dhowaynta labada garab ee dallada SONYO, waayo waxa laysku eedaynaa in garaba uu cid la safan yahay asxaabta siyaasada ka mid ah, markaa bulshada ka madaxa banaan siyaasada ee rayid ka ahi waa in ay isu xil qaamaan isu soo dhowaynta iyo nabad ka dhex dhalinta dallada SONYO.

 

Waad mahadsantihiin

Allaa Mahad Leh

By: Mohamed Hamud Ali

Burco Somaliland

Hamudson@gmail.com

*********************************************************************

 

COMMENTS
Latest News