Saxilnews.com
Somaliya: Magacyada Maxabiis lagala baxay Xabsi Doolow ku yaala
August 31, 2015 - Written by admin

Gedo ( Saxilnews)-Wararka laga helayo Deegaanka Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay Saldhig halkaas ku yaallla lagala baxay Afar maxbuus, kadibna lagu toogtay Meel aan saldhigga ka fogayn.

Illo Xog-ogaal ah ayaa warbaahinta xaqiijiyey in Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha & Amniga Mamaulka Jubbaland C/rashiid Xasan Nuur (Janan), uu bixiyay Amarka lagu dilay Dadkaasi Maxaabiista ahaa.
Magacayada Dadka sida Arxan-darrada ah ay Ciidanka Axmed Madoobe ugu dileen ayaa waxay kala yihiin;
1 – Axmed Maxa’ed Guurow, oo ah Oday Caan ka ah Gedo oo dhawaan kasoo laabtay Muqdisho
2- Aadan Deerow Cabdulle
3- C/risaaq Faarax Mire
4 – Sanyar Xuseen Maxa’ed, waa Haweeney Reer Doolow ay si fiican u yaqaanaan
Dilka 4-tan Ruux ee Rayid ah ayaa waxa uu dhacay Maalintii Shalay Gelinkii danbe, waxaana soo sheegay sidaasi Dad Reer Miyi ah oo Dilka uu agtooda ka dhacay.
Ma jiraan warar madax bannaan oo caddaynaya xogaha sheegaya inuu Maamulka Jubba ka dambeeyaan Dilka Dadkaas rayidka ahaa.

maxamed xasan

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News