Saxilnews.com
SOMALIYA : “DOWLADDU WAA KA GAABISAY SUGIDII AMNIGA KA HOR DOORASHADA ” MUSHARAX FARMAAJO
August 2, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Maxamed C/llaahi Farmaajo oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare, haatanse ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya ee waqtigeeda sii dhamaanaya inay ka gaabisay sugida amniga ka hor doorashada dalka ka dhici doonto.
Farmaajo oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu ay horay uga baxday balan qaadyo ay sheegteen, isagoo xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu afkiisa ka qirtay in dhinaca siyaasada laga gaabiyay.

“Dowladdu waxay horay uga baxday balan qaadyo ay ku dhawaaqday, sida la socotaan afar sano waxay ku dhameysatay khilaaf dhexdeeda iyo xasilooni daro siyaasadeed, waxaa ii muuqata in laga gaabiyay arrimihii amniga dhaqaalaha iyo siyaasada, maalin dhoweyd Madaxweynaha asigaa afkiisa ka qirtay in siyaasada laga gaabiyay, taas macnaheeda waxaa uu yahay in dalka aanu socon oo uu fadhiyo”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Farmaajo

Waxaa uu sheegay in dowladda aanay wali diyaarin qaabkii doorasahada lagu geli lahaa, isagoo xusay in howshan aheyd mar hore la qabto, balse waxaa uu xusay in horay dowladdu ugu fashilantay in dalka ay gaarsiiso doorasho hal qof iyo hal cod.

Waxaa jirta shaki laga qabo in dib u dhac ku yimaado waqtigii la filayay in doorashada dhacdo, maadaama aan la qaban howlihii doorashada lagu gaari lahaa, isla markaana waqtiga uu yahay mid yar.

20-ka bisha Agosto oo ka dhiman 18 maalmood ayaa ah waqtiga loo qorsheeyay in Baarlamaanka la soo xulo, iyadoo baarlamaanka hada jira uu waqtigiisa ugu eg yahay maalintaas, mana jirto illaa iyo hada baarlamaan bedela oo la soo xulay.

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo maalmaha soo socda ka furmi doona magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in lagu go’aamin doono waqtiga ay dhaceyso doorashooyinka.

COMMENTS
Latest News