Somaliya: Al-shabaab Oo Muqdisho Ku Khaarajisay Saraakiil Ka Mid Ahaa Dawladda Iyo Magacyada Xubno Argagixiso Lagu Eedeeyay Puntland Dil Ku Xukuntey

0
21

Muqdisho(Saxil News.com)-

Afar qof oo uu ku jiro darawalkii gaadhigii ay wateen saddex sarkaal oo ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa shalay  lagu dilay isgoyska KM-4 ee Muqdisho, iyadoo dilka xubnahan ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Shaqaalahan iyo darawalkooda lagu dilay toogashada ayaa la sheegay inay ka yimaadeen xilliga la dilayo garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo watay  gaadhi yar oo kuwa raaxada ah.

201482635425485180006097Magaalada_Muqdisho

 

 

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa gaadhay goobta kaddib markii uu dilku dhacay, kuwaasi oo baadhitaan ka bilaabay halkaasi, inkasta oo lagu guul-dareystay qab

Haddaba Magacyada Saddexda Sarkaal iyo Darawalkoodii ayaa kala ahaa;

1. Abuukar Caddaani, Agaasimaha Gaadiidka Hawada Soomaaliya

2. Maxamed Axmed Haaruun, Maareeyaha Hagidda Hawada

3. Maxamed Kadiye Jimcaale, Maareeye ku xigeenka Duulista Hawada iyo

4. Xuseen Hilowle Caddaan oo ahaa darawalkii gaadhiga saddexda sarkaal

Maydadka saddexda sarkaal iyo darawalkooda ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda dowladda Somalia, iyadoo kooxihii dilka geystay ay goor-hore baxsadeen.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka saddexda sarkaal ee ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyo darawalkii u waday gaadhiga.

“Ciidamadeena gaarka ah ayaa fuliyay dilka saddexda sarkaal ee DFS ka tirsnaa, waana sii wadi doonnaa ugaadhsiga aan ku hayno xubnaha dowladda,” ayay Al-shabaab ku sheegtay warbixin ay soo saartay.

Ugu dambeyn, dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Axaddii  kooxo hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ay isla Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsan wasaaradda qorsheynta oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Siyaad.

Dhanka kale, Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Bari, ayaa shalay xukunno kala duwan ku ridey siddeed nin oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Afar kamid ah siddeedaas qof waxaa lagu xukumey dil toogasho ah iyadoo afarta kalena lagu ridey xukuna isuga jira xabsi daa’im iyo xabsi ciidan oo mudadiisu tahay inta u dhexeysa toban ilaa shan iyo toban sano.

Eedaysaneyaasha dilka lagu xukumey ayaa kala ah:

1.Maxamed Cabdi Axmed Olol, ina Tiriig Maxamed, 23jir ah, ku dhashay Buuhoodle.

2.Xaajow Shiikh Nuur Cumar, ina Maleeka Shaandhey, 21 jir ah, ku dhashay Mareerey.

3.Ismaaciil Cabdulqaadir Jimcaale Cali (Rabiile), ina Madiina Cabdulaahi, 20 jir ah.

4.Xasan Xuseen Cabdi, ina Farxiyo Xasan, 23 jir ah.

Eedaysaneyaasha xabsi daa’imka lagu xukumey:

1. Aadan Maxamed Yuusuf, ina Sahro Maxamed,  23 jir ah.

2.Cabdixakiim Maxamed Ciise, ina Luul Yuusuf 24jir ah, ku dhashay Burco.

Edeysaneyaasha xabsiga ciidan lagu xukumey:

1.Cabdirasaaq Shariif Cumar, ina Xaliimo Sayid, 17jir ah, ku dhashay Jamaame.

2.Maxamed Cabdulaahi Axmed, ina Faadumo Jaamac, 18jir ah ku dhashay Muqdisho.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey xukuno kala duwan ku riddey tobanaan qof oo badankoodu ku eedaysnaayeen inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

berbera 2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here