Saxilnews.com
Somaliland:- shaqaale Wasaaraddeed Oo Reer-Ro U Kala Saftay Iyo Masuuliyiinta Oo Kala Raacay
November 29, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews)Waxaa Sii Xoogaysanaya Khilaafka Ka Dhextaagan Masuuliyiinta Xukumadda Somaliland Maalinba Maainta Ka Dambaysa,

Todobaadka Gudihiisa Ayaa Waxaa Wasaaradda Biyaha Somaliland Ka Taagnaa Muran Adag Oo Shaqaalaha Wasaaraddaasi Ku Kala Safteen Iyaga Oo Kala Raacay Wasiirka Biyaha Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaraddaasi Oo Ismaan-Dhaaf Xoogani U Dhaxeeyo,

Xogo Hoose Oo Uu Helaayo Hangoolnews Ayaa Sheegaya In Agaasimihii Guud Ee Wasaaraddaasi Uu U Cararay Dhinaca Jabuuti Ka Dib Markii Ay Is Qabteen Wasiirka Biyaha Baashe Jaamac.

Shaqaalaha Ay Hayb Ahaa Wadaagaan Labadan Masuul Ama Ay Isku Reerka Yihiin Ayaa Iyaguna Mid Waliba Dhinaciisa U Goodinayaa Iyagoo Ku Baanaya In Laga Shalayn Doono Haddii Masuulkooda La Taabto.

Geesta Kale Warar Hoose Ayaa Sheegaya In Muranka Uu Sii Laba Kacleeyay Ka Dib Markii Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi Is Ka Baxsan Nidaamka Wasiirnimo Uu Doonay In Uu Amar U Siiyo Wasiir Baashe Jaamac,

Halka Baashe Jaamacna Waa Wasiirka Biyahee Uu Ku Gacan Saydhay Una Sheegay In Uu Wasiir Ka Yahay Wasaaradda Madaxtooyadda, Baashe Ayaa Tiraabay Hadalkan Mar Wax Laga Waydiiday Khilaalkan:- “Waar Anaa Wasiir Ka Ah Wasaaraddan Maxamuudna U Sheega In Uu Wasaaradd Ila Midda Maamulo”

Dhinaca Kale Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Agaasimaha Guud Ee Biyaha Ayaa Waxay Ka Soo Wadda Jeedaan Deegaanka Bariga Burco.

Halka Wasiirka Biyaha Somalilandna Ka Soo Jeedo Deegaanka Laas-Caanood.

Lama Garan Karo Halka Uu Ku Dhamaan Doono Khilaafkan Caadifadaysan Soo Kala Dhexgalay Wasiirka Biyaha, Agaasimahiisa Guud Iyo Shaqaalaha Wasaaraddaasi Ee Haybt U Kala Jabsan

COMMENTS
Latest News