Somaliland oo ku Eedaysay Dawladda Muqdisho inay Lunsatay Lacag Loogu Talogalay Qaxootiga Soomaaliya ee Yemen

0
22

Hargeysa (SaxilNews.com)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa ku eedeeyey dawladda Soomaaliya inay musuqmaasuqday lacago Qarammada Midoobay ugu talogaleen in lagu soo daad-gureeyo qaxootiga dalkeeda u dhashay ee ka cararaya dagaallada ka socda waddanka Yemen, laguna gaadhsiiyo degaannada ay u kala dhasheen.

warancadde

 

Wasiir Warancadde oo saxaafadda la hadlay shalay, waxa uu masuuliyad-darro ku tilmaamay masuuliyad-darro in madaxda Soomaaliya musuqmaasuqaan lacago hay’adaha UN-ku ugu talogaleen dadka Soomaalida ee ka soo cararay dagaallada ka socda Yemen.

“Waxaan doonayaa inaan ummadda u sheego in Qarammada Midoobay lacag ku bixisay sidii dadkaa qaxootiga loo daad guran lahaa ee dhulkooda loo geyn lahaa. Lacagtaas

waxa loo dhiibay maamulka Soomaaliya ee ka shaqeeya Xamar, waxana dhacday in dayacaad lagu sameeyey dadka qaxootiga ah oo lacagtii loogu talogalay ee la doonayey in loogu kireeyo maraakiibta inay badhkeed u kireeyeen oo kadibna Berbera isaga daadiyeen iyagoon ugu talogelin wixii kharash ah ee ay dhinaca dhulka ku mari lahaayeen, taasina waa masuuliyad-darro iyo xilkasnimo-darro in maamulka Muqdisho musuqo lacagta loogu talogalay dadka qaxootiga ah,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga Somaliland.

Waxa kaloo uu sheegay in dadka reer Somaliland iyo dawladoodduba si fiican u qaabileen, una soo dhaweeyeen qaxootiga ka soo cararay colaadaha Yemen, isla markaana hoy iyo cuntaba siiyeen, balse waxa uu xusay in maamulka Soomaaliya siyaasadeeyey arrinta qaxootiga oo ay ku faaneen in dadkaasi ka soo degaan dekedda Berbera oo laga maamulo Muqdisho.

“Waannu kala baxnay Soomaaliya oo laba dawladood oo kala gaar ah ayaannu nahay, dhinaca siyaasaddana waannu ku kala go’nnay, laakiin wixii kale ee aannu isku ahayn iyo walaaltinimadii naga dhexaysay meesha kama bixin, balse nimanka maamulka ah ee Soomaaliya ayaa arrinta sii xumaynaya oo siyaasadeeyey, annagu se taas u raaci mayno.”

Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa sidoo kale ka jawaabay hadallo ka soo yeyedh qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka taagta daran ee Muqdisho lagu ilaaliyo, kuwaasoo ku dooday in Somaliland tahay gobol ka mid ah Soomaaliya, loona diidi karin in qaxootiga Soomaalidu ka soo degaan dekadahooda, waxaannu sheegashadaas ku sifeeyey riyo dhalanteed ah, isla markaana adduunku ogyahay in Somaliland yahay qaran jira oo ka madaxbannaan Soomaaliya.

 SaxilNews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here