Saxilnews.com
Somaliland iyo Kenya oo isku afgartay In dawlada Kenya Xafiis ka furato Magaalada Hargeysa
May 1, 2016 - Written by cali abdilaahi

Hargeysa(Saxilnews.com)-Weftigii Somaliland ee ay xubnaha ka ahaayeen Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ee maalmahanba socdaalka shaqo ku joogay magaalada Nairobi, ayaa la kulmay Wasiirka Khaarajiga dalka Kenya Marwo Aamina Maxamed maanta.

Kulanka dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Aamina Maxamed iyo weftiga Somaliland ee Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi, Wasiirka Khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Md. Cabdillaahi Cabdi Cali oo ku wehelinayey ayaa wadahadalkoodu qaatay muddo saacado ah, waxa labada dhinac ku falanqeeyeen arrimo kala duwan oo ku saabsan xidhiidhka labada waddan iyo shacabkooda, qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo arrimo kale.

Qodobada ugu muhiimsan ee weftiga Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka wadahadleen waxa ka mid ahaa;

In kor loo sii qaado xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya.Ø

Ø In xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kor loo qaado darajadiisa dublomaasiyadeed, iyadoo arrintaasi ay si buuxda u ogolaatay dawladda Kenya.

InØ dawladda Kenya si rasmi ah xafiis uga furato caasimadda Somaliland ee Hargeysa si kor loogu qaado xidhiidhka, isu-socodka dadka iyo xoojinta ganacsiga u dhexeeya labada dal.

Masuuliyiinta SomalilandØ waxay kala hadleen dawladda Kenya inay ku taageerto Jamhuuriyadda Somaliland qaddiyadeeda gooni-isutaagga iyo aqoonsi ay beesha caalamka ka hesho.

Weftiga Somaliland waxay waydiisteen dawladda Kenya inay deeqo waxbarasho siiso ardayda Somaliland.Ø

Ø Waxa kaloo labada dhinac ka wadahadleen sidii labada dal u wadaagi lahaayeen wixii waayo-aragnimo iyo khibrad ah ee ay is dheeryihiin, gaar ahaan dhinacyada Somaliland danaynayso ee ganacsiga, nidaamka bangiyada caalamiga ah si ay ugu fududaato maalgashiga iyo ganacsiga shisheeye iyo kor-u-qaadida wax-soo-saarka beeraha.

Ugu dambayntii,Ø Wasiir Aamina waxay ka ogolaatay masuuliyiinta Somaliland in dawladda Kenya wefti sare u soo dirto caasimadda Hargeysa si ay uga qaybgalaan xuska sannad-guurada 25-aad ee maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May 2016.

COMMENTS
Latest News