SOLJA ,Waa Hal Mida ,Waanan Ka Soo Horjeedaa Kala Qaybinta Saxaafada Somaliland ,Mana Kala Laha Bari Iyo Galbeed. AA.Ciidle.

0
14

Hargaysa (Saxil News.com)-Waxaa muran taagnaa mudo dhawr bilooda dagaala af iyo adinba aanwaxba layskala hadhin, uu ka dhexsocday ururka saxafiyiinta sl ee solja dadbaa ku dhintay, murankii dhexdiisii qaarbaa dhaawacmay, murandheer kadib waxaa laysugu yimid miiska wada hadalka, anigoo ahaa gudoomiyahii gudidada qaban qaabada garabkii bidix markii dambana ahaa afhayeenkii garabkaasi anagoo isku dhan, muuse faarax jaambiir,nimco samriye, sahra cabdi wahaab ,maxamad cabdi curad, cabdifataax maxamuud caydiid, iyo najax aadan cunaaye. waxaa heshiis sideed qodob ahaa lagu saxeeaxay inlagu heshiiyay saami qaybsi garabkii xuuto, mar hadaanaan joogin doorashadii kadhacday hotel Ambasador inay na siiyaan agaasimaha guud,waanay qaateen, waxaa heshiiska ka mid ahayd inqolada xafiiskii lawareegtay ay sameeyaan turxaan bixin labadii garab waynala qaateen in ay xaquuq siman wariyayaasha dalka ugu shaqeeyaan waanay qaateen in saxiifiinta lagu xadgudbo ay xaquuqdooda ilaaliyaan inkastoo halkaa aad loogu dhaliilay. hadana qaabka mooyaane kamay aamusin ,waxaanay soomaalidu ku maahmaahdo nin habari dhashay halma seegi waayo e, waxaana kujiray heshiiskaasi in marxuun maxamad rashiid oo tacab fara badan galiyay ururka saxfiyiinta ee solja in magaca dugsiga tababarka ee solji dhisi doonto loo bixiyo magaciisa waalaysla qaatay.halkaasina heshiis loo dhanyahay oo saxafada kabaxay ayaa kadhacay hotel maansoor . maamul cusubi markuu xil wareego waxuu u baahanyahay in waqti la siiyo hogaankaasi, inkastoo aanu saluugnay talaabooyin ay qaadeen, hadana waxaa waajibku ah saxaafada ay matalayaan inay siiyaan waqti aykusocod bartaan, kuna dhaqaaqaan waqtigii ay joogeen lama dafiro xaqiiqooyinka jira e waxay xafiiskii iyo hawlqabteen madafiri karo ,waxse waanu tabanaynay iminkana tabanaynaa laakiin maaha qaylo aan dhamaanayn inaanu ku tabno ,saxaafaduna maaha malaaiig way dambaabi kartaa takale ee meesha taala waxaa weeye saxaafada dawladeedu waa dawlada soomaali land dawladkalena ma lihin wax iyada ku lidana ma wadno cadawna kuma lihin toosinbaanu ku leenahay lkn kuma lihin hagardaamayn ninka yidhaa waxaan doonaan qorayaaye laylama hadli karo dee hatago meel aanay dawladi ka jirin . hadaba waxaa todobaadkan lagaga dhawaaqay urur saxaafadeed cusub oo lagu sheegay ururka saxaafada gobolada bariga Somaaliland oo hadana aanay ku jirin ceeri gaabo waxaan u aragnaa in lagu dagdagay ururkaasi oo cida dabada ka riixaysaana ay tahay cidii heshiiska dadka kula gashay hotel maansoor, hadana anagoo ilaalinayna midnimada saxaafada soomaaliland iyo wada jirkeeda waxii tabasho ahna gudaha ururka kudhex sheeganayna, anagoo difaacayna midhahii solja ee hogaankii hore ee aanu ka midka ahayn gaadheen, qoladan cusubna ay wadadayadii raaceen hogaankan cusubna malaaiigmaaha e waxway ka qaldami karaan lkn dhaleecayn joogta ah ,buuq siraate maalin walba taagan looma baahna inaanu hormood u ahaano waxaanu nahay jiil cusub mana rabno inaanu magacyo kula baxno xumaan abuurayaal cusub ee waxaanu bulshada rabnaa inaanu unoqono jiil la mahadiyo sidaa darteed waxaanku celinaynaa maqarsan karo in xukuumadu noo caga juglayso ,waayo waa xukuumadayadii iyana waa inay noo aragto inaanu nahay saxafiyiin teedii .saxafiyiintana ka yeeli mayno inaysoo raacaan cadawga soomaaliland oo aanu ognahay inay dabada ka riixayaan ururka saxaafada bari iyo badhtamaha soomaaliland oo cida wadaa ay tahay ururlaga leeyahay dalka soomaaliya oo la yidhaa nusoj. waxaanan leeyahay dhalinyarada saxaafada ee dabada laga riixayo inta hotel loo galay cida wajigooda la istimaalayaana ay iyaga yihiin waxaanu leenahay hadii aanu nahay garabkii bidix ee la bahoobay garabkii xuuto balan aanu ilaahay iyo bili aadan kula galay ma beenin karo ,hadii waxii aanu tabanaynay aanu hogaanka solja naga garsiin karaan sobob aanu muran aan dhamaanayn uun wadno, waa wadna xanuune, kooxdan bari iyo badhtamaha afrika labaxday ,waxaanu leenahay hadii laydin xidhay anagaa idiin hadalay hortiina raga waala xidhi jiray, anaga gaadhi socday naga tuurtay xukuumadii hore maragna way lahayd oo tv caalami ah, ayuu ka baxay markaa cadho wax uunbay dumisaaye nimankan dabada idinka riixayaana ,anagoo idiinka aqoon badnayn. ayay bidixda naga mareene, car ayaydaan is arkin idinkoo parkinka berbera wada yaala . gabagabadii qoraalkan kooban waxaankusoo koobayaa waar kusoo noqda wadadii wada hadalka oo kasoo noqda wadada saxafi nimada oo yay naan jeexin wado aan dhamaad lahayn ookala qoqobta midnimada soomaaliland hadaba anigoo ah afhayeenkii garabkii bidix ee la midoobay garabkii xuuto isla mar ahaantaana isla midoobay ee noqday ururka saxaafada soomaaliland ,waxaan si cad oo aan aangabsho lahayn u cadaynaynaa inaanu sidii aanu ugu biiray solja aanaan habeenka bixin taageerada ugu badana aanu hayno lkn aanaanku taageerayn waxii qaranimada iyo diinta kahor imanaya lkn waxii saxan waanku taageeraynaa . waxaan kusoo koobayaa baydkii maansadii Cali Jaamac haabiil ,uu kaga hadlayay abaalka waxaanu yidhi , waxba yaanu xoolan a, isiin xeerkayna i marine ,xaasha e nin libinkaa xistiyay xumaii waayaab , manahin dad abaal gadayaalee waxay qabteen waanu qiraynaa waqtina waanu siinaynaa haday ku fashilmaana manihin mashruuc quutayaale waanu sheegaynaa. wabilaahi tawfiiq afhayeenka ururka garabkii heshiiska lagalay garabkii xuuto sh aadan cabdi ciidle hargaysa soomaaliland.

 

 

Saxil News.com

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here