Saxilnews.com
SHIRWEYNIHII 1-AAD EE URURKA SUXUFIYIINTA SOMALILAND EE SOLJA OO KA FURMAY HOTELKA MAAN-SOOR EE HARGEYSA (SAWIRRO)
November 8, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa(Saxilnews) Shirweynaha 1-aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka furmay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa,shirweynahan oo ah kii noociisa ahaa ee ururkaasi qabado tan iyo 12 kii sano ee uu jiray waxaa soo abaabulay xafiiska ururkaasi waxaana ka soo qaybgalay Gudoomiyaha ururkaasi Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) wasiir ku xigeenka warfaafinta Marwo Shukri Xariir,Suxufiyiin hore oo Somalida caanka ah sida Yoonis Cali Nuur oo sanadihii la soo dhaafay ka hawlgalayey warbaahinta xukuumadda Somaliland,xisbiyada siyaasadda oo aanay ku jirin xisbiga Ucid oo la sheegay inay shir ay leeyihiin kaga mashquuleen madashan shirkani,Suxufiyiinta Somaliland qaybaheeda kaladuwan oo goballada oo dhan ka kalayimid.
solja shirkii koowaad 2016
sidookale waxaa shirkaasi ka soo qaybgalay hay’adaha la shaqeeya sida Dalladda SONSAF ee waddaniga ah oo si weyn ula shaqaysa SOLJA iyo dadweyne kale,shirkaa furitaankiisii waxaa ka hadlay xogyahay ururrkaasi Mr Yaxye waxaanu ka warramay ujeedada shirkan loo qabtay iyo waxyaabaha lagu filayo inay ka soo baxaan labada cisho ee soo socota,Gudoomiyaha Ururka SOLJA Mr Maxamuud Cabdi Jaamac “xuuto” waxaanu ka warramay tacadiyadii kaladuwanaa ee ay sanadkan 2016 ka diiwaangaliyeen dhibaaatooyinkii soo gaadhay suxufiyiinta kaladuwan ee ka hawlgala qaybaheeda faraha badan.

Mr Xuuto isaga oo ka hadlayey noocyada tacadiyadaasi waxa uu sheegay  inay jiraan dhawr iyo toban dacwadood oo ay qaarkood wali ku jiraan gacmaha cidda ay khusayso gaar ahaan xukuumadda “waxaajiray Dawcwado farabadan oo ilaa 16 dacwadood gaadhaya ilaa haddana ay 12 kamid ahi ku jiraan gacanta xukuumadda oo ka dhan ah saxaafadda madaxa banaaan” ayuu yidhi Mr Xuuto.

dhanka kalan waxa uu ka warramay sharciyada caalamiga ah  iyo xuquuqda Saxafiyiintu sida ay tahay inay isula jaan qaadaan ee looga baahan yahay in loo maro marka eedo laga tirsano ama ay markaa cidda xukunka gacanta ku haysaa u arkto inay Saxaafaddu ku gaftay “runtii sharciga Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ku salaysan yahay isla markaana uu aamisan yahay Dastuurka iyo shuruucda Somaliland” ayuu yidhi waxaanu intaa ku sii daray  inay Solja taageero badan ka helaan hay’ado kaladuwan oo qaarkoo caalami yihiin sida IMS,Free press iyo qaarkale kuwaas oo tababarro kaladuwan ku caawiyey ururka SOLJA.
waxa uu Mr Xuuto u mahad celiyey Shirkadda weyn ee Dahabshiil oo ka caawisay gaadhi u shaqeeya xafiiskka ururku ku leeyahay Hargeysa “waxaan u mahad celinayaa shirkadda weyn ee Dahabshiil oo sanadkii tagay nagu caawisay  Gaadhiga xafiiska u shaqeeya” ayuu yidhi Mr Xuuto,waxaa isna halkaa ka hadlay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka tirsan hogaanka Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxaanu sheegay markuu ahaa wasiirka Madaxtooyada inuu Gudoomiyaha SOLJA kala shaqaynayey sidii wax looga badali lahaa xeerka saxaafadda Somaliland si loo yareeyo caqabadaha horyaalla saxaafadda oo marar badan la kulma tacadiyo ka hor imanaya xeerka hadda jira laftiisa sida in layska xidho saxafiyiinta iyaga oo aan loo soo marin sharcigii ku haboonaa in loo soo maro xadhiigooda “Markaan ahaa waasiirka Madaxtooyada Gudoomiyaha SOLJA waxaan kala shaqaynayey sidii  wax looga badali lahaa xeerka saxaafadda hadda oo aan ahay nin mucaarad ah na la gaban maayee waxaan sheegayaa wixii aan aaminsanaa markii aaan wasiirka ahaa oo ah madax banaanida Saxaafadda” ayuu yidhi Mr Xirsi Cali Xaaji Xasan.

waxaa isna halkaa ka hadlay Afhayeenka xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Xasan Maxamed Cali “Gaafaadhi” waxaanu sheegay inay saxaafaddu tahay  mid aan looga maarmin hormarka dawladeed isla  markaana ay tahay inay xukuumaddu ilaaliso isla  markaana ka shaqayso sidii ay uga shaqayn lahayd hormarinta saxaafadda iyo inay aqoontooda kor uqaaddo” waxaan aamisanahay Saxaafaddu inay tahay tiir aan looga maarmin hormarinta Dawladeed waxaanan leeyahay hormarka ay saxaafaddu u baahan tahay cidda 1-aad ee laga rabo inay qaybteeda ka qaadato inay xukuumadda tahay” ayuu yidhi Mr Gaafaadhi.

shirkan oo socon doona manta iyo berrito waxaa lagu wadaa inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ka soo qaybgalo Berri haddii Alle yidhaa halkaas oo sida  uu Gudoomiyaha ururkaasi Mr Xuuto Sheegay inay bixin doonaan Abaal-marino kaladuwan oo lagu maamuusidoono shakhsiyaad kaladuwan kuwaas oo ay SOLJA u garatayinay sanadkan ahaayeen shakhsiyaad loo xushay Abaal-marinta sanadkani.

COMMENTS
Latest News