Saxilnews.com
Shirkada Telesom oo Ku Mashquulsan Dano Siyaasadeed, Xilli Shacabkii Ay Dhaqaalaha Ka Dheeftay Badhkood Soo Waajeheen Abaaro Baahsani,+ Xogaha Hoose.
November 8, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews)Waxaa Marba Marka Ka Danbaysa dalka Somaliland Ka Hanoqaadayey Shirkado Ganacsi Iyo Ganacsato Kale oo Marba Heerka Dalku Marayo La Maraaxil Ahaa, Hadaba Shirkada Telesom Oo Ku Faaiiday Nabada Iyo Deganaanshaha Dalka Somaliland Islamarkaana Shacabka Somaliland Si Aan Arxan lahayn uga dheefta dhaqaaale Baaxad Leh ayaa marka la isbarbar dhigo dhaqaalaha ay dalka iyo shacabka kusoo celiso iyo ka ay ka faaiido aad u kala fog yihiin, mana jirto wax la taaban karo oo ilaa hadda telesom shacabkeed dib ugu celisay oo manaafacaad leh, marka laga tagi waayo waxay kaliya dalka ka dhisataa daaro dhaadheer oo dhiigii shacabka somaliland laga dhisay, Cashuur ahaan Marnaba Telesom Dalka Dib uguma Celiso Dhaqaalehii ku Waajibay,

 

HaddabaTan iyo xiligii Somaliland la bilaabay Tartanka asxaabta siyaasada oo xiliba marayay marxalado kala duwn ayaa iyana waxaa kobaca asxaabta barbar socotay tartanka ganacsiga kaasi oo noqday mid loolan adag oo daaha dabiisa ahi ka dhexeeyo shirkada kala dawun ee dalka ugu waawayn, Hadaba wararka aanu helay mudooyinkii uu danbeeyay ee loolanka xusbiyada mucaaridka ah iyo xisbi xaakimka kulmiye oo kor u kacay ayaa waxaa iyana debada usoo baxday xogaha sheegay saamaynta kala duwan ee ay ku leeyihiin qaarkamida shirkadaha Sidoo kale xogaha arimahan aan ka helayno ayaa daaha ka fayday in shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ay heshiisyo hoose la gashay xisbiga mucaaridk ah ee wadani oo sida xogahan

iftiimiyeen ayTelesom taageero dhaqaale iyo mid kaabaynba barbar istaagayso xisbiga wadani iyo sidii uu ugu guulaysan lahaa talada dalka Halka shirkada telesomna lasheegay in ay badalkeeda kula heshiisay in uu hadii xukunka Dalka uu qabto u fuliyo dhawr arimood oo ay mudoba ku taabaysay shirkadu. Taasi oo ay ugu horayso sidii ay dalka u keeni lahayd xadhigaFiber-opticee bada hoos mara .oo ay dhawr jeer ay isku dayday in ay keento Dekeda berbera ay hor istaagay xukuumada xiligan talada haysa ee madaxwayne siilaanyo gadhwadeenka ka yahay. Dhanka kale shirkada telesom ayaa lasheegay ay xisbiga mucaaridka ah ee wadani kula heshiisay arimo kale oo aad ugu muhiima ganacsigooda. Isku soowada duub shirkada telesom ayaa loolan adag ugu jirta sidii ay mar uun u heli lahayd xukuumad gacanteeda ku timaada taasi oo ay ku rajo wayn tahay in ay sifudud u fulin lahaayeen arimaha ay u baahantahay Wallow keenista xadhiga Cable ee bada hoos mara ay xukuumada xiligan talada haysaa ay ogolaasho ku siisay shirkada xiligan dalka keentay kaasi oo dhigaya in aan dalka cidi keeni Karin mudo 25sano ah.
Sikastaba ha ahaatee Loolankan Iyo taageeradan Dhaqaale Ee ay Shirkada Telesom Ku Bixinayso Arimo Siyaasadeed Iyo Sidii Xisbiga Waddani Oo ay Iyadu Heshiis hoose la gashay hogaanka dalka u qaban lahaa si uu ugu fuliyo Danaha ganacsi ee aan wakhti xaadirkan u suurto galin, ayaa kusoo beegmaya, wakhti gobolo kamida dalka somaliland abaaro baaxad leh oo saameyn taban ku yeeshay naf iyo maalba ka jiraan, kuwaan oo aaney shirkada telesom ilaa hadda wax mucaawino ah ku bixin, halka ay malaayiin dollar ku fangaraneyso arimo Siyaasadeed iyo xisbi mucaarid ah, halka shacabkii ay dhaqaalaha tirada badan ka faaiiday ay badhkood abaaro iyo macaluul baahsani soofoodsaatay.

La Soco Qaybaha Danbe ee Warbixintan Iyo Danaha Sababay In Shirkada Telesom Taageero Dhaqaale Siiso Xisbiga Mucaaridka Ah ee Wadani

COMMENTS
Latest News