Saxilnews.com
SHIRKADA DAHABSHIIL GROUP OO DAAH FURTAY ADEEGA CUSUB EE E-DAHAB HARGAYSA
January 29, 2015 - Written by admin

(Saxilnews) Hargaysa  Shirkada Dhinaca Isgaadhsiinta Ee Somtel Ayaa Waxaa Ay  Maanta Xaflad Baladhan U Qabatay Daah-furka Adeega Cusub Ee E-Dahab .

Munaasibadan Oo Ka Dhacdey Hotel Guleed Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland,Wasiirka Maaliyada,Wasiirka Duulista Iyo Hawda, Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland , Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ,Agaasimaha Adeega E-Dahab Ee Somtel Madax Ka  Socota Shirkada Dahabshiil Group  Iyo Masuulyiin Kale .

Ugu Horeyna Waxaa Munasibadaasi Ka Hadlay Cabdiraxmaan Cali Cabdi Oo Ka Mid Ah Masuulyinta Shirkada Dahabshiil Group Waxana Uu Sheegay In Adeegan Cusub Ee Ay Maanta

 



Daah Furayso Shirkada Isaadhsiinta Ee Somtel U Yahay Mid Baahi Weyn Loo Qabey Isla Markaana Furasado Shaqo Siiyey Dad Badan Ama Dhalin Yar Badan Oo Rer Somaliland Ah

Siciid Maxamed Siciid Ducaale Oo Ka Mid Ah Madaxda Boodhka Ee Shirkada Somtel Oo Munaasibadaasi Hadlo Kooban Ka Yidhi  Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Shirkada Somtel Ay Noqotay Mid Horumaro Faro Badan Sameysay Tusaale Ahaana Adeega Cusub Ee Lagu Magacaabo 4G Oo Shirkada Somtel Ka Hir Galisay Dalka Isla Markaana Somaliland Noqotey Dalkii  Afraad Ee African Ah Oo UU Adeegaasi Gaadho.

Sidoo Kale Waxaa Uu Tilmaamay Siciid Maxamed Siciid Ducaale In Adeegan Cusub Ee E-Dahab Uu Noqon Doono Mid  Bulshada Faa,ido Weyn U Leh Isla Markaana Dabooli Doono Baahiyo Fara Badan Oo Ay Qabaan  “Waxaan Idiin Sheegaya Waxaa Aynu Kaga Jirnaa Xaga Technogy da Dalalka Ugu Horeeya Waliba Inaga Oo Ah Dal Faqiir Ah Adeegag 4G  Waxeynu Nahay Dalkii Afraad Ee Africa Laga Fuliyey Taas Oo Ay Shirda Somtel Fulisay  Waxanan Idiin Leeyahay Aniga Oo Hadalkeyga Soo Koobay  Waad Ku Mahad San tihiin Ka Soo Qeyb   Galka Xaflada Daah Furka Adeega Cusub Ee E-Dahab “ Ayuu  Yidhi  Siciid Maxamed Siciid Ducaale Oo Ka Mid Ah Madaxda Boodhka Ee Shirkada Somtel.

Dhinaca Kale Waxaa Isna Munaasibadaas Ka Hadlay Agaasimaha Guud Ee Adeega E-Dahab Ee Shirkada Somtel Fu,aad Axmed Nuux Waxaa Uu Sheegay In Adeega E-Dahab Oo La Bilaabay Sanadkii 2014 kii Ay Ilaa Hada Is Diwaan Galiyeen Dad Tiradoodu Gaadhay Ilaa 100,000 Qof (Boqol Kun Oo Qof) Dhamaanba Gobalada Somalilan Isla Markaana Adeegan Laga Heli Karo Dhamaanba Gobalada Somaliland

Dhinaca Kale Waxaa Iyaguna Munaasibada Kalmado Kooban Ka Yidhi Suldaan Axmed Daahir Oo Ku Hadlaayey Afka Madax-Dhaqameedka Somaliland Iyo Sheekh Maxamed Aadan Waxaana AY Dhamantood Xuseen In Adaagan E-Dahab  Uu Yahay Mid Bulshadu Baahi Weyn U Qabtay Isla Markaana Ay Aad U Soo Dhawenayaan Shirkada Somtel Ama Dahabshiil Group Ay Aad Ugu Mahad Celinayaan Horumarka Balaadhan Ee Ay Dalka Ka Wado.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri  Oo madasha Kalamado Kooban Ka Yidhi Ayaa Waxaa Uu U Mahad Naqay Shirkada Somtel Ee Adeegan Cusub Daah Furtay  Kuna Aamaney Horumarka Xoogan Ee Ay Dalka Ka Wadaan  Waxana Uu Ku Dhiiri Galiyey In Ay Halkaasi Ka Sii Wadan Dadalkaasi Xoogan .

Sidoo Kale Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland Cabdi Dirir Cabdi Oo Ka Mid Ah Masuulyiintii  Madasha Ka Hadley Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Shirkada Somtel Uu Ugu Hanbalyeynaayo Adeegan Cusub Ee Ay Dalka Ka Bilowdey Rajeynayana In Uu Adeegani Noqon Doono Mid Buuxiya Baahiyo Fara Badan Oo Ay Qabeen Bulshada Isticmaasha Shirkada Dahabshiil Baanka Dhexe Ee Somaliland Uu Soo Dhaweenayo Adeegan  “Hadaanu Nahay  Bahadi Baanka Dhexe Ee Somaliland Waxaanu Aad Iyo Aad Ugu Farax sanahay In Dahabshiil Group Uu Maanta Halkan Ku Soo Bandhigayo Adeeg Had Iyo Goor Fudeynaya Sida Lacagta  Loo Qaato Kaasina Waa Adeeg Ku Soo Kordhey Adeegyada Baananka Somaliland  Waxaan Leeyahay Waad Adeeg Aad Loogu Baahana Isla Markaana Sahlaya Sidii Bulshadu  Lacagta U Kala Qaadan Laheyd Anaguna Hadii Aanu Nahay Baanka Dhexe Somaliland Aad Iyo Aad Baanu U Soo Dhaweynaynaa” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland Cabdi Dirir Cabdi “

Gabo Gabadii Waxaa Halkaasi Ka Hadley Isla Markaana Hadalka Ku Soo Dhaweeyey  Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale Waxaana Uu Sheegay In Uu Shirkada Dahabshiil Group Uu Aad  Ugu Hanbalyeynaayo Hawlaha Kala Duwan Ee Ay Dalka Ka Wado  Adeeganina Uu Ka Midka Yahay  Wasaarada Maaliyada Oo Uu Isagu Wasiir Ka Yahayna Uu Aad Iyo Aad U Soo Dhawenaayo “Munaasibadani Waa Munaasibad Qurux  Badan Leh Isla Markaana Si Wacan Loo Soo Agaasimay  Runtii  Marka  Koowaad Shirkada Dahabshiil Group  Madaxdeeda Iyo Hawl Wadeenadeeda Aad Baan Ugu Mahad  Naqayaa Hawlaha Baladhan Ee Ay Dalka U Hayaan  Ee Uu Ka Midka Yahay Mashruucan Cusub Ee E-Dahab Oo Aanu Ilahay Uga Baryayaa In Uu Ilaahay Ugu Guuleeyo Sidii Kuwii Hore Ee Ay  Ku Hore Ee Ay Wadeenba Ugu Guuleysteen.

Waxaan Leeyahay Shaqadani Waxaa Ay  Wax Badan Ka Bedeli Doonta Guud Ahaan Shaqooyinkii Kala Duwaana Ee La Xidhiidhayey Maaliyada Wasaarada Maaliyaduna  Waxaa Ay U Noqonayasaa Wax Weyn Oo U Soo Kordhay Faraxda Wey  Noo Tahay Aad Iyo Aadna Waanu U Soo Dhaweyneynaa” Ayuu  Yidhi Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Saamale.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Munaasibada Soo Afmeeray Isla Markaana Madasha Ka Yidhi Hadlo Kooban Ayaa Waxaa Uu Ugu Horen Mahad naq U Jeediyey Madaxada Kala Duwan Ee Shirkada Dahabshiil Group oo Ugu Horeeyo Gudoomiyaha Guud Ee Shirkadaasi Maxamed Siciid Ducaale Horumarka Baladhan Ee Ay Sameyaan Shiradaha Dalkuna Ay Ka Qeyb Qaadanayaan Horumarka Guud Ee Dalku Ku Taalabasado Shirkadan Dahabshiil Groupna Ay Tahay Mid Dadka Iyo Dalkaba Wax Badan U Qabatey   Waxana Uu Yidhi

“Waxaa  Maanta Farxad Weyn Inoo Ah Dhamaanteen  Aynu Maanta Halkan Ku Daah Fureyno Adeeg  Cusub Oo U Soo Kordhay Bulshada Rer Somaliland Isla Markaana Ay U Soo Kordhisay Shirkdeena Caanka Ka Ah Somaliland Ee Dahabshiil Waxanan Leeyahay  Aad Iyo Aad Baan Ugu Mahad Naqayaa Adeegan Cusub Oo Ahaa Mid Loo Baahnaa

Runtii Adeegyadani Iyo Horumarka Baladhan Ee Ay Sameynayaan Ganacsiga Gaarka Loo Leeyahay Waxaa Uu Qeyb Ka Yahay Horumarka Somaliland Iyo Sidoo Kale Iibinta Somaliland Oo Aynu Rabno In Aynu Noqono Dal Ka Mid Noqda Dalalka Dunida Ka Jira

Waxeynu Nahay Dal Curdin Ah Oo Hiigsanaya In Qaramaada Caalamka Ka Mid  Noqdo  Taasina Waxaa Aynu Ku Gaadheyna Inga Oo Gacmaha Is Qabsana Shirkadan Dahabshiil Groupna Waa Mid Dalka Wax Weyn U Qabtay  Waxana Leeyahay Ilaahay Ha Idinka Abaal Mariyo “   Ayuu Yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylci.

Ugu Danbeytii  Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Waxaa U Halkaasi Xadhiga Kaga Jaray Ama Uu Ku Taah Furey Adeega Cuseb Ee E-Dahab Kaas Oo Ay Bixin Doonto Shirkada Isagaadhsiinta Ee Somtel 

saxilnews Haed // Desk

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News