Shirka agaasimeyaasha iyo isuduwayaasha casimada hargaysa oo ka qabsoomay magalada hargeisa

0
41

 

Shirka joogtada ah ee Agaasimayaasha iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda Hargeysa oo Isniin walba ka qabsooma Hoolka Shirarka Dawladda Hoose ayaa maanta lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin.

1:In la qabto Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Caasimadda Hargaysa.

2: Dardargalinta Shaqooyinka maalinlaha ah ee loo hayo Shacabka Hargeysa.

3: In si Deg deg ah looga jawaabo cabasho kasta oo suurogal ah oo ka timaada dhanka Muwaadinka loo shaqeeyaha ah.

4: In Ganaax adag la saarayo qofka dibada u soo saara isla markaana ka dhista bulaacad goob wado ah oo ka baxsan aqalkiisa.

5: In la sii wado Xoolaha laga saarayo Gudaha Caasimadda Hargeysa si loo heli Hargeysa Cagaaraan.

6. In maalinta Bari ah la qaadi doono Olole Cashuur-qaadis ah oo dadka aan cashuurta bixin lagaga soo qaadayo cashuurta ku baaqatay.

Shirkan ayaa ah shir todobaadle ah waxaana lagaga wada hadlaa shaqooyinka muhiimka ah ee u baahan in si Deg deg ah looga jawaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here