Saxilnews.com
  Shil Baabuur Oo Xalay Ka Dhacay Badhtamaha Suuqa Wayn Ee Magaalada Hargeysa Inta Uu Leegyahay Khasaaraha Ka Dhashay Shilkaas + Sawiro
August 13, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)Shil baabuur ayaa xalay abaaro 11 habeenimo ka dhacay badhtamaha suuqa wayn ee magaalada hargeysa.Waxaana shilkan baabuur ee dhacay uu ahaa isku dhaca laba gaadhi oo kala ahaa kuwa loo yaqaano gawaadhiga raaxada ee Crown iyo gawaadhida yar yar ee loo yaqaano Taxi ama dukhaan.

Waxaana shilkan baabuur uu ka dhacay agagaarka fooqa Imaaratul Khayr gaar ahaan xawaalada Dahabshiil,waxaan labadan gaadhi markii ay isku dhaceen uu sababay in gaadhigii yaraa ee Taxi ahaa dhaco,isla markaana qalibmo.

Waxaana shilkan baabuur ka dhashay dhaawaca hal qof oo ahaa darawalka waday gaadhiga yar ee Taxi-ga ah ee dhacay oo sida naloo sheegay ay xaaladiisa caafimaad aad u cuslayd,waxaana markiibana loola cararay cusbitaalka magaalada hargeysa.halka ay khasaare burbur xoogan ahi soo gaadhay labadii baabuur ee isku dhacay.

Si kasteba ha ahaatee waxa mudoyinkii u danbeeyeyba soo badanayya shilalka baabuur ee ka dhaca gudaha magaalooyinka kuwaasi oo gaysta badanaa khasaare naf iyo maalba leh.

IMG_20160813_023502IMG_20160813_023519IMG_20160813_023530IMG_20160813_023555

COMMENTS
Latest News