Saxilnews.com
Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Jidka Isku Xidha Burco Iyo Berbera Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
February 15, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)-wararka naga soo gaadhaya magaalada Sheekh oo ka tirsan gobolka Saaxil ayaa  sheegaya in xalay uu shil baabuur ka dhacay wadada wayn ee isku xidha magaalooyinka Burco iyo Berbera.

Waxaana  shilkan uu ka dhacay Buurta Sheekh (Dawga).

Gaadhigan shilka galay ayaa ah sida naloo sheegay gawaadhida Raaxada ee loo yaqaano Indho-cadde,waxaana shilkaasi baabuur ka dhashay sida ay xoguhu noo sheegeen khasaare dhaawac ah,waxaana ku dhaawac soo gaadhay darawalkii waday gaadhiga oo la sheegay inuu yahay mid culus.

Waxaana wararku intaa ku dareen in dhaawaca darawalkii loosoo  qaaday cusbitaalka magaalada Burco.

 

COMMENTS
Latest News