SHARCIGU HA SHAQEEYO

0
19

Jigjiga (Saxilnews.com)-Caaqil Adan Cabdillahi Cali (Duqay) iyo
Maamo Ruqiya Ahmed Jaamac . Waxay u baahan yihiin Cadaalad. Inay helaan.

Caaqil Adan Cabdillahi Cali (duqay) oo ah Caqilka Mid ka mid ah beelaha Somaliland Dagan ayaa muddo 7aad ah isagoo maxkamad la gayn ku Xidhan mid ka mid ah jeelasha Haragaysa. Caaqilka ayaa lagu haystaa maxaad uga hadashay dhibta loo gaystay bulshada aad caaqilka u tahay.

Sidoo kale waxa cadaalada u baahan Mamo Ruqiya Ahmed Jaamac . oo dhibane u ah Wiil uu Muuse Biixi, abti u yahay ( Sacad yare)
Maamo Ruqiye ayaa waxa soo gaadhay dhaawac rasaas ah oo u ku dhuftay mid ka mid ah askarta somaliland.

Haddaba Ruqiya iyo familkeedu waxay qaban in amarka askarigu xabadda ku riday uu lahaa Sacad yare .oo ah wiilka ay dhulka ku muran sanaayeen. Sababto ah Maalinki xabad lagu dhufan doono maalinkii ka horeeyay . Ruqiya oo laga soo duubay Video yar waxa ay in badan ku cel celisay cidda dhulka ku haysta ee dhibka kuwadda in ay tahay wiilka uu muuse abtiga u yahay. ee sacad la yidhaa.

Waxa cajiiba maalinka maalintii ku Xigtay waxa goobti yimi sacad oo askar wata . Waxaan si toosa loo beegsaday maamo Ruqiya Ahmed Jaamac. Arrintaasina waxay u muuqatay inay tahay aar goosi uu sacad waday kana xanaaqsanaa hadalki hore ee Maamadu soo duubtay.

Haddaba Faamilka Ruqiya iyo bulshada uu Caaqil Adan Matalaaba. Waxay xukumada ka codsanayaa in sharcigu shaqeeyo. Oo caaqilka iyo ruqiyaba cadaalad helaan. Ninka sacad lagu magacaabana Sharciga loo soo dhaweeyo kiiskiisana la baadho

Maxamed H Muuse

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here