Saxilnews.com
“Shaqaalaha Dawlada Waxaan Uga Digayaa In Ay Ku Milmaan Loolanka Siyaasadda Iyo Tartanka Xisbiyada Qaranka ” Madaxweyne Siilanyo + Muuqaal.
November 5, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyoayaa maanta ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo loo qabtay 214 Arday oo ka qalinjebiyay Machadka Shaqaalaha Dawlada (Civil Service Institute) ahna dufcadii shanaad ee ka baxda machadka.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasinadaasi ayaa waxaa uu ardeyda qalin jabisay uga mahad celiyey da daalka dheer ee ay u soo galeen in ay maanta qalin jabiyaan waxaana uu madaxweyne Siilanyo shaqaalaha Dawlada uga digay in ay ku dhex milmaan tartanka asxaabta qaranka

 Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News