Shacabka Taliyaaniga Oo U Codeynaaya Isbedel , Ra’iisul Wasaaraha Oo Ku Hanjabey In Uu Is Casilaayo Iyo Nooca Uu Yahay Isbedelka Loo Codeynaayo

0
97

Italy (Saxilnews):- Shacabka Taliyaaniga waxay u codeynayaan afti loo

qaadayo is bedel lagu sameeyo dastuurka.

Waxaa aftidaasi in la qabto ku baaqay ra’iisul wasaaraha Taliyaaniga, Matteo Renzi.

Is bedelka la doonayo in dastuurka lagu sameeyo ayaa ah in la dhimo awooda aqalka sare, lana xoojiyo awoodda dowladda dhexe.

Mr Renzi wuxuu sheegay inuu is casili doono haddii aftida looga adkaado.

Dalalka kale ee midowga Yurub waxay ka cabsi qabaan in shacabka ay u codeeyaan “MAYA”.

Arrintaasi ayey sheegayaan inay qalalaase iyo dhibaato ku keeni karto bangiyada Taliyaaniga.

Ololaha diidmada waxaa hogaaminaya xisbi doonaya in dib u qeiimeyn lagu sameeyo xiriirka Midowga Yurub iyo Taliyaaniga ka dhexeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here