SERVER-KII SAMAYN JIRAY BAASABOORKII SOMALILAND-KA OO GUBTAY,TALIYAHA OO DIIDAY INUU KA HADLO IYO DADWAYNE CABASHO KA MUUJIYAY.

0
13

Server-kii samayn jiray baasaboorkii Somaliland-ka ayaa u gubtay marawaxad la’aan kadib markii kulaylka jiilaalku kariyey qolkii uu yaalay, waxaanay dhacdadadaasi sababtay in gabi ahaanba la waayo baasaaboor Somaliland.

Server-ka gubtay ayey xukuumadda Somaliland soo iibsatay sanadkii hore iyadoo ku bixisay qanadaraas ay ku baxday lacag aad u badan, waxaana la dhigay xarunta Laanta Socdaalka, halkaas oo ay wasaaradda Maaliyaddu kaga urursato maalin kasta dakhliga uu soo saaro baasaboorku.

Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in ay wasaaradda Maaliyaddu ka heshay lacag malaayiin ah maadaama baasaaboorkiiba ay siiso boqol iyo Lixdan Dollar, taasoo ka badan tii ay Xukuumaddii Rayaale ku Iibin jirtay, sidaas oo ay tahayna sababta uu u gubtay ayaa ah


mid ka dhalatay marawaxad la’aan ku habsatay qolkii uu yaalay.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku weyday dakhli aad u badan oo dadka laga qaadi jiray, taas bedelkeedana waxay dadweynuhu ku waayeen adeegii baasaaboor ee ay ka heli jireen, kaasoo ay ugu safri jireen dalal kala duwan oo ay danahooda kaga soo qabsan jireen.

Dad gaadhaya illaa toddobaatan qof ayaa shalay isa soo hor tubay xaruntla Laanta Socdaalka, kuwaas oo doonayey baasaabooro u xaraysnaa si ay u qaataan, hase yeeshee waxay ogaadeen in uu Gubtay Server-kii baasaaboorka soo saarayey-ba waxaanay ka hor sameeyeen cabasho.

Dadka dhibta ugu weyni kala soo daristay baasaaboor la’aanta ka dhalatay Server-ka gubtay waxa ka mid ahaa wiil 12 jir ah oo ay Kelyuhu taagan yihiin, kaasoo hawl caafimaad ugu bixi lahaa dalka dibadiisa, hase yeeshee nasiib darro isagoo lacagtiisa la baxaya ayuu la’yahay baasaaboor Somaliland uu ku dhoofo.

Lama ogo ilaa wakhtiga Lahagaajin Doono Balse Taliyaha Laanta Socdaalka somaliland oo saaka hadhwanaagnews ku bookhtay Xafiiskiisa ayaanay u suuro galin inuu wax tafaasiil Ah ka bixiyo Sababaha keenay inuu fadhiisto Qalabkii lagu samayn Jiray Basaboorka Somaliland.

Dad tiro badan ayaa hortuban barxad hore ee Laanta socdaalka kuwaas oo ciidankuna dibad ku horjoogaan si Aanay ugu gudbin Xafiisyada masuuliyiinta Laanta Socdaalka somaliland.

Source Waaheen

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here