Saxilnews.com
Saylici Oo Soo Bandhigay Laba Degmo Oo Sanadkan Xukuumaddu Ku Dartay Barnaamijka JPLG + Magacyadda Labadaasi Degmo
July 2, 2018 - Written by editor

Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa ka hadlay Barnaamijka Horumarinta Degmooyinka ee JPLG, waxaana uu ka dhawaajiyay laba degmo oo sanadkan loo Qorsheeyay in lagu horumariyo Barnaamijkaasi.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlayay Madal Lagu Soo Bandhigayay Barnaamijkaasi ayaa yidhi.

“Waxaynu rajaynaynayaa in wajiga cusub shanta sano ee soo socda aynu gaadhsiin doonno 15-ka degmo ee hadhay, dawlad ahaanna waxanu haya’dda qaramada midoobay ee hawsha gacanta ku haya tusaynaa inaanu fidinta samaynno, iyaguna dhaqaalaha nagu taageeraan, waxana aanu ku horraysiin doonnaa labada gobol ee waaweyn ee Bariga, sannadkanna waxa aanu bilaabi doonnaa laba degmo oo A ah iyo mid B ah, si

dalku uu xagga waxqabadka isugu soo dhawaado.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata madaxweyne-ku-xigeenku, waxa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada barnaamijkan laga leeyahay tahay sidii bulshada iyo adeegyada Aas-aasiga ah la isugu soo dhaweyn lahaa, isla markaana ay xukuumad ahaan diyaar la yihiin wixii dhaqaale looga baahdo inay ku kaalmeeyaan, “Annagu dawlad ahaan waxanu diyaar u nahay inaanu wixii dhaqaale nagu hagaagay inaanu diyaarinay, haddii ay tahay maamulkaa degmooyinka lagu fidinayo iyo haddii ay tahay maamul-daadejintii socotay ee ka socotay saddex degmo oo tijaabo ah oo runtii guulaystay, waxana ku biiraya laba degmo oo midi Hargeysa tahay iyo degmada Gabiley, degmooyinkaas kalena waa la gaadhsiin doonaa, waana arrin Distuuri ah oo inoo taalla in adeegga aasaasiga ah aynu hoos u daadejinno oo aynu shacabkeena u dhaweynno,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

COMMENTS
Latest News