Safiirka Somaliland Ee Dalka Australia Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Marwo Maria Osman

0
15

Waxa xalay ka qabsoontay magaalada Melbourne ee dalka Australia, casho sharaf lagu maamuusaayey Marwo Maria Osman oo ah haweenay dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Somaliland, Laakiin ku dhalatay dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London oo hooyadeedna ay tahay gabadh Ingririis ah.

Hadaba casho sharaftan oo uu soo qaban qaabiyey Safiir Balishire iyo jaaliyada Somaliland ee Melbourne ayaa ahayd mid farxad iyo is barasho ahayd. Marwo Maria Osman waxay degan tahay magaalada Perth ee galbeedka dalkan Australia, waxaanay tahay haweenayda madaxa ka ah xafiiska dawlad goboleedka dalkan Australia ee loo yaqaano. Office of the Multicultural Interests of the government of Western Australia.  Waxakale oo marwo Maria Osman ay noqotay gabadhii ugu horeysay ee madow ah ee Raysul wasaaraha dalkanAustralia Mudane Tony Abbott u magacaabo in ay matasho dawladaAustralia shirkii dhawaan ka qabsoomay magaaladaNew York ee cariga maraykanka.Shrikaas oo looga hadlaayey arimaha haweenka aduunka.

Hadaba xafladan oo uu soo qabanqaabiyey safiirka Somaliland ee dalkan Australia Mudane Mohamed Ismail Hussein “Balishire” ayaa waxa uu aad ugu mahadnaqay marwo Maria Osman oo runtii u soo hurtay wakhtigeedii qaliga ahaa in ay wakhti la qaadato jaaliyada Somaliland ee dalkan Australia gaar ahaan jaaliyada magaalada Melbourne. Waxa kale oo safiirku uu aad ugu mahad naqay dadkii ka soo qayb galay xafladaas casho sharafka ahayd  iyo dabcan kuwii wakhtigu u saamixi waayey intaba.

Waxay Marwo Maria Osman ay u timi magaaladaMelbourne shir ay dawlada dalkan Australia ku leedahay magaalada Melbourne oo socon doona mudo laba maalmood ah.

Ugu danbayntii, waxa Marwo Maria Osman ay booqasho ku iman doontaa Somaliland dhamaadka bisha sideedaad ee sanadkan 2015, hadii Alle raali ka ahaado, safarkaas oo iskugu jira mid gaar ah iyo mid ay kulamo iyo is barasho kula qaadan doonto dawlada Somaliland iyo ururada rayidka intaba.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here