Baadhitaano hor dhac oo la sameeyey ayaa waxa ay dawlad Calomia shaacisay sababta ka dambaysay bur burka diyaaradii ay saarnaayeen ciyaartayga koox ka mid ah kooxaha ka ciyaara Dalka Brasil oo ay ku dhinteen 76 qof.
Diyaaradan oo ku buburtey hawada Dalka Calombia ayaa waxa baadhitaanka khubaradii loo diray ay sheegeen in Sababta ka dambaysay Bur burkeeda ay ahayd shidaal la,aan soo food saartay diyaarada xilli ay doonaysay in ay cago dhigato Magaaladii ay kusii jeeday.
Madaxa hay’adda duullimaadyada dadwaynaha Alfredo Bocanegra ayaa sheegay in baaritanada la sameeyay lagu ogaaday in diyaarada aysan wax shidaal ah ku jirin xiliga ay dhaceysay, waxa uuna intaa raaciyay in wali sii socdaan baaritaanada shilkan waxa sabababy ku aadan.
Freddy Bonilla oo ka tirsan masuuliyiinta hay’adda duulimaadyada dadwaynaha dalka Colombia waxa uu sheegay in maamulka diyaaradu ay ilaabeen sharcigii Duulimaadyada oo ahaa in ay diyaaradu sidato shidaal dheeri ah.
Cod ay heleen baadhayaasha diyaaradu waxay ku sheegeen in uu duuliyaha diyaaradu dalbanaayo meel uu ku dego iyo shidaal deg deg loola soo gaadho







