Saxilnews.com
Sababta Trump uu Israa’iil ugu sharciyayn la’yahay deegaameynta dhulka Falastiyiniinta
November 12, 2018 - Written by editor

Sababta Trump uu Israa’iil ugu sharciyayn la’yahay deegaameynta dhulka Falastiyiniinta

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa beeniyay in Israa’iil ay kala hadleen qorsha lagu sharciyaynayo degaanada ay Yahuuda ka dhisteen daanta galbeed.

Mar sii horreysay ayuu afhayeen u hadlay rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu waxaa laga soo xigtay in xukuumadda Washinton ay kala hadleen suurtagalnimada sharciyaynta degaamaynta ay Israa’iil ka wado daanta galbeed, kuwaa oo caalamka iyo Falastiyiniintuba ay si weyn uga soo horjeesadeen.

Hadaba Mareykanka maxaa ka hortaagan sharciyaynta deegaamadaasi maadaama horey uu Quddus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa’iil?

Su’aashaassi iyo kuwo kale ayuu Xasan Cali Geele hor dhigay Axmed Sheekh Maxamed (Axmad Tiir) oo ka faalooda arrimaha Carabta

COMMENTS
Latest News