Ruushka Oo Hakin Doona Duqeynta Uu Ku Wada Magaalada Xalab Ee Dalka Suuriya + Sababta

0
21

Xalab (Saxilnews):-  Ruushka ayaa sheegay in uu muddo 8 saacadood ah hakin doono duqeynta uu ku hayo magaalada Suuriya ku taala ee Xaleb, marka la gaaro maalinta Khamiista ah.

Sergei Rudskoi oo ka tirsan taliyayaasha ciidanka Ruushka, ayaa sheegay in dalkiisa iyo xukuumadda Suuriya ay xabbada joojin doonaan si ay shacabka uga baxaan magaalada, isla markaana gargaar caafimaad loo gaarsiiyo.

Wasiiradda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ayaa si weyn u dhaliilay Ruushka, oo ay ku tilmaameen mid silac badan marsiiyay shacabka Xaleb.

War qoraal ah oo ay wasiiraddaasi kasoo saareen ka dib kulan ay ku yeesheen Luxembourg, ayaa waxa ay ku sheegeen in awood xad dhaaf ah uu Ruushka u adeegsaday duqeymaha uu ka wado Xaleb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here