Saxilnews.com
RIO: BUDHCAD WEERARTAY GAADHI UU LA SOCDAY DUBLAMAASI RUUSHKA U DHASHAY + DIRAWALKIISII OO BADBAADIYAY
August 11, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Amaanka dalka Brazil oo ay ka dhacayaan ciyaaraha olombikada caalamku ayaa ah mid aan la isku halayn Karin.

In wax la boobo, in wax la dhaco iyo in dad  lagu laayaa waa iska caadi, hadana ciyaaruhu waa socdaan.

Sheekadii ugu xiisaha badnayd isla warbaahinta caalamku ay soo tabiyeen ayaa ahayd ka dib markii rag budhcad ah oo mooto wata isla markaana ku hubaysan Mooto ay ay ku soo barbar qabteen gaadhi uu la socday dublamaasi sare oo ka tirsan dalka Ruushka hasayeeshee hawlo shaqo u jooga Dalka Brazil.

Waxa ay dalbadeen in ay dejiyaan muraayada gaadhiga, taas oo qasab ku jabiyeen, waxaana labada nin markiiba dirawalkii gaadhi ka qasab kaga dalbeen in uu soo bixiyo saacada uu sito.

Labada nin mid ayaa bastoolada ku xareeyay gaadhiga, ka kalena gacanta ayuu soo fidiyay si loogu soo dhiibo baastoolada, hasayeeshee dirawalka oo ahaa nin tababaren ayaa markiiba khidad keenay, waxaanu gacanta ku dhigay hubkii budhcadu ay sidatay,waxaanu soo qabtay mid ka mid ah ragii budhcada ahaa oo uu madax ka toogtay.

Sheekadan ayaa cirku ku shareertay sida aan la isugu halayn Karin amaanka magaalada rio oo ay ka dhacayaan ciyaaruhu

COMMENTS
Latest News