Saxilnews.com
Rice iyo Tababare Frank Lampard oo boos cusub u adeegsan doona
June 28, 2020 - Written by editor

 

 

 

 

London) 28 Juun 2020. Naadiga Chelsea ayaa si sare ugu hammineysa inay la soo wareegaan xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara naadiga West Ham United ee Declan Rice, iyagoo rajeynaya inay xagaagan kula soo wareegaan 45 milyan oo gini.

Macallinka Blues ee Frank Lampard ayaa doonaya in 21-jirka xulka qaranka England uu u adeegsado difaaca dhexe, sidoo kalena uu hoggaamiyo qaybta difaaca.

Chelsea ayaa horraan la saxiixataya xiddigaha kala ah Hakim Ziyech iyo Timo Werner, balse waxaa la filayaa inay saxiixyo kale ay sameyn doonto xagaagan.

Sidaas darteed, Macallin Lampard ayaa maamulka kooxdiisa ka dalbaday inay safkiisa ugu soo daraan xiddiga Hammers ee Rice.

Da’yarkan ayaa kulankii ugu dambeeyay ee ay kooxdiisa la ciyaartay naadiga Wolves ka ciyaarayay booska difaaca dhexe, waxaana u riyaaqay macallinkiisa David Moyes, si la mid ah Lampard ayaa la dhacay hab ciyaareedka uu ku soo bandhigay Rice kasoo muuqashada difaaca dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa ugu cadcad xilligan saxiixa xiddiga West Ham, waxaana kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ay u bandhigi doontaa dalab ku kacaya 45 milyan oo gini.

Declan Rice ayaa waayihiisa dhallinyarannimada ka billaabay kooxda ka dhisan galbeedka caasimadda England, balse waxay Blues kulyaddeeda ka fasaxday xiddigan isagoo 14-jir ah.

COMMENTS
Latest News