Saxilnews.com
“REER SOOL HADDII KALA BADH LA SIIYO SOMALILAND WAANU SOO DHAWEYNAYNAA, SHIRKII AANU XILDHIBAANADA UGU YEEDHNAYNA BERRI AYUU FURMAYAA” SULDAAN DHAWAL
August 27, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Borama (Saxilnews):-  Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal  oo ka mid ah madaxdhaqameedka somaliland, ayaa sheegay in ay raali ka yihiin reer Awdal saamiga la siiyey reer Sool, waxaanuu sheegay in ay raali ka yihiin haddii Somaliland kala badh la siiyo.

 

Suldaan Dhawl ayaa waxa uu sidoo kalena sheegay in uu berry furmi doono kulankii ay ugu yeedheen xiuldhibanada labada gole ugu jira gobolka Awdal oo uu tilmaamay in ay ka wada hadli doonaan arrimo u gaar ah oo ay iska aal waraysan doonaan.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal  oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Reer Sool Haddii  kala badh la siiyo Somaliland aad ayaanu u soo dhaweynaynaa oo ay somaliland ku xasilayso, Xildhibaanadana waxaanu ugu yeedhnay uun sidii aanu isku warsan lahayne wax kale ma aha waxa aanu ugu yeedhnay xildhibaanada, waxaanu ballansanahay berry ma ahee saadambe (Berri) weeyaan” ayuu yidhi Suldaan Dhawal.

Dhiwaan ayey ahayd markii ay Salaadiinta Awdal ugu yeedheen Xildhibaanada ugu jira labada gole in ay yimaadaan magaaladda Boorame, waxaanuu shirkaasi abuuray dareen siyaasadeed oo salka ku haya dhinaca tabashooyinka iyo sadbursiimaha la siiyey reer Sool.

COMMENTS
Latest News