Saxilnews.com
Raysal-wasaaraha Dowlada Caalamku Ictiraafsan yahay Ee Liibiya Abdullah al-Thinni Oo Is Casilay”””
August 13, 2015 - Written by admin

Libiya (Saxilnews.com)-Raysalwasaaraha Dowlada Caalamka Ictiraafsan yahay ee Liibiya Abdullah al-Thinni ayaa xilkii iska casilay xalay wakhti danbe xili uu wareysi siinayey Telefishin.

Abdullah al-Thinni iyo xukuumadiisa oo horey looga saaray caasimada Tripoli ayey shacabka ku eedeenayeen inaysan waxna ka qaban xaalada dalkaasi, isla markaana ku guul dareysteen inay ka awood roonaadaan kooxaha hubeysan ee ku loolamaya dagaalka ka socda dalkaasi.
Al-Thinni ayaa si weyn u dhibsaday su’aalo adag oo laga weydiiyey xaalada dalka Liibiya, wuxuuna intii wareysiga socday si caroleh u sheegay inuu xilka iska casilay, kadib markii la weydiiyey su’aal ahayd in shacabka Liibiya xaq u leeyihiin inay ku mudaharaadaan wax-qabad la’aanta xukuumadiisa isagoo markaasi ku jawaabay “Muhiim maaha in aniga la igu mudaharaado sababtoo ah waaba ka degayaa xilka aan hayo….”

By Mahamed Hassan Aadam(Faradeero)

WWW.Saxilnews.com

COMMENTS
Latest News