Saxilnews.com
Raaligalin Beelwaynta Garxajis Anagoo ah Beelwaynta Axmed Sheekh ISxaaq Toljecle Waxaanu Raaligalin Buuxda ka bixinayaa Shirkii ….
August 24, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxilNews) Raaligalin Beelwaynta Garxajis Anagoo ah Beelwaynta Axmed Sheekh ISxaaq Toljecle Waxaanu Raaligalin Buuxda ka bixinayaa Shirkii Beelwaynta Walalahayga ah ee Garxajis Ku Qabsadeen Magaalada Hargeysa oo aanu Hamabaleeyno , in Suldaanka Beesha Axmed Sheekh Isxaaq Uu Shirkaasi ka qaybgali waayey , isagoo lagu soo maamusay shirkaasi ay walaalahaygu qabsanayeen ee ay danahooda kaga hadalayeeen , Hadaba anigoo ah Waxgaradka , iyo Odayasha Reerka Waxaanu Raaligalin Balaadhan ka bixinaynaa Arintaasi uu Suldaan Axmed Daahir Sameeyey oo aanu leenahay Waa Gaf iyo Meel Ka Dhac wayn , Hadaba Waxaanu Suldaan Axmed U Sheegaynaa Inuu Magaca Beesha Suldaan Ugu Noqdo iyo Inuu Xukuumada Suldaan U noqdo , Hadaanu nahay Beelwaynta Waxagaradkeeda iyo Aqoonyahankeedaba Sida Ugu Dhakhsaha Badan Baanu Uga Tashan Doonaa Suldaan Axmed” Alla mahad leh

COMMENTS
Latest News