Saxilnews.com
Qudbu Sabanka Burco Sheekh Cismaan Nuur ( RC
June 2, 2022 - Written by admin

Burco ( Saxilnews.com)-Qudbu Sabanka Burco Sheekh Cismaan Nuur ( RC

Sheekh Cismaan Nuur waxaa ahaa asaasihii Burco ee batamihii qarnigii 19aad waxaa ahaa sheekhii sameeyey Burcada manta waana mid kamid ah awliayada Allaah swt ku beeray arsdka aynu ku noolnahay waxaa sheekha dariiqaltul qaadariya Culiyaa waana sheekha kaliya ee ilaa hadda la siyaarto magaalada burco kuma aasan badhtamaha magaalada .

Waxaa ku kujirtay qasaaido loo tiriyey Sheekh Allaah swt ha unaxariiste ( Burcooy waa ayaanka addaa sheekh cusmaan nuur badhtankaaga yaala )

Waxaa sheekhu ku dhashay duleedka magaalada Burco 1884kii duleedka koonfureed ee magaalada Burco waxaa u ahaa sheekh / macalin diinta islaamka iyo ku dhaqankeeda kaalin wayn kasoo qaatay , waxaa uu ahaa culimada Gobolka togdheer ee la tixgeliyo gaar ahaana dariiqa qaadariyada .

Bilowgii sanadka 20-aad ayaa waxaa sheekhu kaalin wayn ka qaatay sidii uu xaalin lahaa dagaal dabo dheerad oo udhexeeyey beelaha habaryoonis iyo habarjeclo oo ka dhashay degitaanka magaalada Burco , waxaa cajiib ahayd sida taariikhda ku suntan inuu sheekhu magaalada beel kamid ah oo loo diidana inay magaalada soo gasho inuu iridaha ufuray oo soo dejiyey magaalada Burco manta ay kamid yihiin reeraha ugu badan ee degga .

Hadba waxaa soo ifbaxay maalmaha inay dadka qaar sheekh Cismaan Nuur iyo sheekh Cali warsame isbarbar wadaan , taa waxaan ka odhan lahaa horta sheekhal balednimadu waa hibo allaah swt bixiyo Sheekh Cali Warsame laftiisu sheekh wanaagsan oo Allaah cilmi siiyey ayuu ahaa lkn sheekhul beledka Burco waxaa ahaa Sheekh Cismaan Nuur , imika markii uu geeriyoodayna waxaa ahaa inankiisa Sheekh Ibraahim Sheekh Cismaan Nuur oo la wareegay sheekhul belednimada Burco .

Dadka waxaan odhan lahaa qudbu sabanka Burco iyo sheekhul belednimada waxaa iska leh duriyadii sheekh Cismaan oo ahaa macalinkii umada reer Burco allaah ha unaxariiste .

COMMENTS
Latest News