Saxilnews.com
Qorshayaasha Iyo Xeeladdaha Qarsoon Ee Waddamadda Carabta, Awoodda Kobcaysa Ee Dalka Iiraan + Ujeeddada Saldhiygadda Milatari Ee Berbera, Assab Iyo Djabuuti Shaxda Ay Dejiyeen Golaha Iskaashiga Gacanka Ee Dalalka Carabtu, Wajigii 1aad Oo Ay Ku Guulaysteen Iyo Qodobadda Muhiimka Ee Ajandaha Ay Iiraan Kaga Hortayaan U Degsan
February 26, 2017 - Written by admin

Waddamadda Carabta ayaa dejiyey Qorshayaal iyo Xeeladdo ay ku doonayaan inay kaga hortagaan awoodda Dawladda Iiraan in ayku fido wakhtigan casriga ah dalalka ku yaala Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Dagaalka qabaw ee u bilaabmay dalalka Khaliijka ee Carbta iyo Jamhuuriyadda Shiiciga ah ee Iiraan, ayaa u soo wareegay dalalka ku yaala Bariga Afrika iyo goobaha Badda Cas ee Istaraajiyadda  ee ku yaala gacanka Cadmeed , halkaas oo ay labada dhinac ee xudunta meelaha ay qolo walba inay kuwa kale ka wiiqi karaan.

Warbixintan Xiisaha leh oo Hirdanka Dalalka Xulufadda Carbeed iyo Iiraan u dhexeeya ka diyaariyey Wargeyska The-Arab-Weekly oo arimaha Siyaasadda, Colaadda, dhaqaalaha iyo Milatariga ee waddamadda Bariga dhexe wax ka qora, waxa warbixintan ka soo xigtay  isla markaana Turjumay Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil Oo Ka Tirsan Wargeyska Madaxbanaan Ee Saxansaxo oo ka soo baxa magaaladda Hargeysa, waxaanay Warbixintan oo dhameystirani u dhigan tahay sidan.

Suudaalka ay dalalka Ducuudi Arabta iyo Imaaraadka Carabtu ay Saldhigyo Milatari uga baahdeen inay ka samaystaan dalal ku yaal gacanka cadmeed ama Badda Cas, waxay ku qotonta u jeedooyin hadafyo fog leh, mida ugu muhiimsan wax kasta waa qodobka ah inay Xulufadda dalalka Carabtu godoon geliyaan waddanka Iiraan oo awoodeedu noqotay mid mandaqadda ay ku sii kordhayso doorkeeda dublamaasiyadda, taas oo keentay inay ku halgamaan kuna hirdamaan boqortooyooyinka Carbeed ee Islaamiga Sunniga ah iyo Jamhuuriyadda Islaamiga Shiicada ah ee Iiraan.

 

Dedaalka ay ku jiraan labadan quwaddood ee dalalka Sucuudiga iyo  Imaaraadka Carabta oo samaystay gola ay ugu magac dareen GOLAHA ISKAASHIGA GACANKA CADMEED (GCC/ Gulf Cooperation Council), waa si ay u quweeyo ama u dhisaan, doorkooda  ay mandaqada geeska Afrika ku leeyihiin ee dhinaca ciidankooda Amniga ay sare iskugu soo qaadaan, maadama oo uu meesha ka baxaayo taageeradii  ciidanka Milatari ee dalka Maraykanku uu ku difaaci jiray danaha dalalka iyo boqortooyinka Carabta  gaar ahaan kor joogihii ay Maraykanku  gacanka carabta ka ahaayeen iyada oo ka bixitaanka Maraykanku ay dhiirigelisay inay dalka Iiraan dedaal dheeri ah ku bixiso inay quwaddeeda mandaqada gacanka Cadmeed damacdo inay isku fidiso.

 

Dhinaca kale sannadihii u dambeeyey waxa jirtay dedaal dheeri ah oo dawladda Shiicadda ee Iiraan, sidii ay saaxiibtimo uga kasban laheyd dalal ay ka mid yihiin Eritrea iyo Suudan iyo dawlado kale oo gobolka iyo   Badda Cas ku yaala inay xulufo la noqdaan oo ay Saldhigyo Milatari ka hesho, si ay awood buuxda iyo meel  Istaraatijiyadda fiican ah ugu hesho labada dal ee ay Iiraan u aragto cadawgeeda 1aad ee ay leedahay kuwaas oo kala ah dalka Sucuudiga iyo maamulka Yuhuuda ee Israa’iil oo ay siyaasad ahaan si weyn isku hayaan Iiraan iyaga oo labaduba leh goobo muhiim ah oo  Xarumo Saldhigyo Milatari oo ay Sucuudiga iyo Israa’iil  Badda Cas ay ka isticimaali karaan kana weerari karaan hadii colaadi timaad dalka Iiraan.

 

Waxa ta dhinac socota inay dalka Iiraan lug ku leeyihiin colaada iyo dagaaladda dalka Yaman ka socda oo ay taageeraan dagaalyahanadda Xuutiyiinta ee halka ka dagaalama , kuwaas oo dagaal ay kula jiraan xulufadda ay Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu ka mid yihiin, waxaanay isku dhaca kale ee hirdanka Yaman maamulka Tahran ee Iiraan lugta u soo geliyeen dano hor leh oo ay Badda Cas sidii ay carabta ugu la loolanto u baadi dooni laheyd iyada oo hadii ay Iiraan ka hesho Fadhiisin saldhig Milatari u suurto gelin laheyd fursada ah inay dalalka Carabta cuna qabatayn ama culays Milatari u saarto dannaha iyo Maraakiibtooda ay xulufadda Carabta ee Sucuudigu hogaamiyaan ee iskaga gudba he Bab el Man­deb oo ah Al-baabka laga galo gacanka Koonfurta  Badda Cas ee aada Bad weynta Indian Ocean, waxaanay hadii taasi u suurto gasho Iiraan ay godoon iyo in aan cidna ka soo geli Karin cidna ka bixi Karin ka dhigaysa gacanka Carabta oo halis ku keeni kara hadii ay dhacdo guud ahaan xulufada Carbeed.

 

Marka xaaladda iyo danaha isku cakiran ee waddamadda Carabta iyo dalka Iiraan dhexyaala laga yimaado, goobta ugu wakhtigan hirdanka ugu adag ee dalalka xulufadda Carabta  iyo Iiraan bar tilmaameed u noqday mandaqada Geeska Afrika oo si gaar ah u noqday gobol muhiimadiisa leh, waxaana geeska Afrika uu leeyahay Xeeb dhan 2,500-Mile, Xeebtaas oo ka timaada ilaa Waqooyiga dalka Suudaan, ilaa Koonfurta waddanka Kenya soona taxan ilaa Badda cas oo ku wareegta ilaa dhanka Koonfur Afrika oo xididkeeda Xeebeed aado maro.

 

Golaha  GCC (Gulf Cooperation Council ) ee Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu, waxay cabsida ay ka qabaan dalka Iiraan awoodeeda mandaqada inay sii balaadhato ay soo shaac baxday, ka dib markii dhanka Quwadda hubka sida ba’an wax u gumaada ee  Nugleerka ay horumarisay Iiraan isla markaana ay sannadii 2015-kii heshiis kala saxeexdeen loogu ogolaaday inay qaybo ka mid ah sameysan karto Iiraan dalalka quwaddaha dunida ee uu Maraykanku hogaamiyo, waxaanay wakhtiga hogaamiyayaasha dalalka Gacanka Carbeeda si wada jira uga digeen khatarta iyo halista ay Hubka ay Iiraan samaysanaysa ku yeelan doonto Mandaqada Bariga dhexe.

 

Inta wixii ka dambeeyey labada dal ee Sucuudiga iyo Imaaraadka oo hormuudka ka ah waddamada Khaliijka Carabta, waxay bilaabeen diyaar garawga iyo sidii ay u heli lahaayeen cudud milatari oo adag iyo isgaashaan buuraysi maskax iyo Istaraatajiyad xeeladaysan ku dhisan taas oo ay kaga hortagi karaan Iiraan, waxaanay u baahdeen  Saddex Saldhig Milatari oo muhiim ah oo ay awooda isa soo taraysa ee dalka Iiraan kaga hortegi lahaayeen, waxaanay dejiyeen qorshe iyo shax ah sidii ay  fadhisinadda Milatari  ay dalalak Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas ee geeska Afrika ku yaala uga heli lahaayeen.

 

Ugu horeyn dalka Sucuudiga oo talaabadii 1aad ee uu dalalka Geeska Afrika kaga helilahaa xarun Saldhig Milatari, waxaana uu Sucuudigu ugu dambeyntii ku guulaystay in uu Fadhiisin Saldhig Milatari ka helo dalka aadka u yar ee Geeska Afrika ku yaala horena u gumaysan jiray Faransiisku ee Djabuuti, kaas oo si rasmi ah ay sannadii 2016-dii heshiiska Saldhiga Milatari ee Jabuuti ay Sucuudiga dhulkeeda ka siisay si uu danihiisa Biyaha badda Cas ee gacanka cadmeeda uga ilaashado ayey labada dhinac heshiska qalinka ku wada duugeen, waxaana ta bedelkeeda ay Djabuuti ka faa’iiday in ugu horeyn ay ka mid noqotay ururka Jaamacadda Carabta iyo waliba inay Jabuuti si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka mid noqotay 34 waddan oo Sucuudigu hogaamiyo oo dalalka Muslimiinta Sunniga ah, ee ka soo horjeeda dalka Shiicadda Iiraan, kuwaasi oo la baxay (34-state Saudi-led anti-Iranian “Islamic coalition”).

 

Dawladda Iskutaga Imaaraadka Carabta e EAU-da, ayaa iyaduna qaaday talaabadii xigtay iyada oo fulinaysa qorshihii iyo shaxdii ay hore Carabtu u dejiyeen, waxay heshiis rasmi ah la gashay Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii labada gole baarlamaan ee Wakiilada iyo Guurtidda Somaliland ay fadhi wada jira 12/2/2017-ka ku ansixiyeen Xero Saldhig Milatari oo Xukuumadda Somaliland ka siisay dawladda Imaaraadka Carabta magaalo xeebeedka Berbera, waxaanay taasina noqotay guul dhinaca dhanka quwadda iyo Ciidamadda dalka  Imaaraadka Carabta  Istaraajiyadda uga noqotay maadama oo ay Magaaladda Berbera ee ay Saldhiga ka heleen tahay mid ku taala Gacanka Cadmeed oo ahaa marinka muhiimka ah ee ay Carabi ka difaacanayso inay Iiraan lugaha soo geliso, waxaana xusid mudan inay talabadan Imaaraadku Saldhiga Milatari heshiiska kula galeen Somaliland aheyn tii ugu horaysay maadama oo ay hore dalka Eritrea oo isaguna meel muhiim ah kaga yaala geeska afrika iyo Gacanka Cadmeed ay heshiis 25 sanno oo la mid ah kan Somaliland ay Dekedda Caanka ah ee Eritrea ee ASSAB sannadii 2015-kii hore heshiis Imaaraadka iyo Eritrea u kala saxeexdeen, waxaanay Saldhiga ugu dambeeyey ee Iimaaraadku Somaliland ka kiraystay ka dhigan yahay in qorshihii dalalka la baxay GCC ee ay kaga hortegaayeen awooda bariga afrika inay ku fido Iiraan ay durtaba ku guuleysteen isla markaana Gacanka Cadmeeda ay Xulufadda uu Sucuudigu hogaamiyo ee dalalak Carbeed si fiican uga difaacan karaan wakhtigan Iiraan.

 

Si kasta oo ay tahay, laakiin waxa jira sabab ka dambaysa iyo Qorshe inay  “GCC/ Gulf Cooperation Council ” (Golaha Iskaashiga Gacanka Cadmeed) fadhiisimo  Saldhigyo Milatari ay awoodooda ku balaadhinayaan inay ka samaystaan Eritrea, Somaliland iyo Jabuut, qaramadda Carabta ee dalalka Gacanka Cadmeed ee Xulufadda uu horkaco Dalka Sucuudigu ee waddamadda  Islaamka Sunniga, waxaanay qodobaddan Xulufadda Carbeed Saldhigyadda Milatari ka leedahay yihiin sidan.

 

  1. Inay dalalka ururka Jaamacadda Carabta iyo 34 dal oo Islaam ah Suniyiin ah oo Sucuudigu hogaamiyo ay ka hortagaan khatar kasta oo ka iman karta inay Quwadda dalka Iiraan iyo Shiicaddu ku xoogaysato mandaqada Bariga Afrika ama ay gaadho awooda Iiraan qaaradda Afrika oo ku baahdo.

 

 

 

  1. In la godoomiyo Islaamiyiinta Xag jirka sida kooxda Al-Shabaab oo guddaha Somalia ka dagaalanta, maadama oo kooxda Al-shabaab ay xidhiidh dhaw oo wada shaqayneed la leedahay ururka Xag jirka mayalka adag Al-Qaedada ka dagaalanta dalka colaaduhu naafeeyeen ee yaman oo xulufadda Carbeed kula jiraan dagaal qadhaadh, ururadaasi oo maraykanka u diwaangashan inay yihiin kooxaha ugu khatarta badan argagixisada dunida.

 

  1. Qodobka kale waxa uu yahay mid dhanka Cuntadda ama wax soo saarka Beeraha iyo dhulka ee dalalka Carbeed ay u arkaan inay baahi weyn bulshaddoodu u qabaan sidii ay dhul dheeraad ah u heli lahaayeen, fursaddaasina ay wakhtigan uga muuqato dalalka bariga waqooyi ee mandaqada geeska afrika inay ka heli karaan sid Somaliland, Jabuuti, Eritrea iyo Somalia.

 

Qodobkan u dambeeya qaba oo warbixin horaantii bishii 1aad ee sannadkan 2017-ka uu soo saaray Mac-had  dalka Maraykanka fadhigiisu yahay oo baadhiseed laguna magacaabo (US-based global security consultancy Stratfo) kaas oo baadhista xarunta cilmi baadhiseed oo hadalkiisa sarkaal u hadlay uu  Wargeyska The-Arab-Weekly soo xiganaayey lagu yidhi “Xulufadda GCC (Gulf Cooperation Council ) waxay xiisanaynayaan Bariga Waqooyi ee Afrika gaar ahaan dhanka wax soo saarka  Beeraha  iyo dhaqaalaha, marka laga eego  gacanka cadmeed, qaramadda Carbeed  waxa u muuqata inay helayaan dhul Carab bulshaddoodu ay baahi weyn u qabaan isla markaana ay Beeralaydoodu  qodaal iyo inay wax ku beertaan ay uga  faa’iidaysan karaan dhulkaasi iyada oo taasina ay ku dhamaanayso uun in Sucuudigu helo si uu dhinaca wax soo saarka uga faa’iidaysto mandaqada Feeska Afrika“

Sources by TheArabWeekly. Turjumaadii Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Attachments area

COMMENTS
Latest News