Saxilnews.com
Qaraxii ka dhacay Thailand oo la cambaareeyay…..
August 18, 2015 - Written by admin

Thailand (Saxilnews.com)-Ra’iisal wasaaraha Thailand waxaa uu ku tilmaamay bomb-kii ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof meel diinta Hindu u barakaysan ee magaalada Bangkok maalintii shalay inuu ahaa dhacdadii ugu xumeyd ee abid dalkaas ka dhacda.

Maamulka Thailand ayaa hadda waxa ay baarayaan dhowr kaamera oo ku xirnaa xarunta, si ay u helaan macluumaad dheeraad ah.

Prayut Chan-o-cha waxaa uu sheegay in qof la tuhunsan yahay lagu arkay sawir kaamerad television isagoo goobta la gelaya shandad dhabarka u saaran, kana baxaya isagoon waxba sidan.

Wasiirrada dalkaasi ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in qaraxaasi lala eeganayay dalxiisayaal, maadaama macbadkaasi uu caan ku ahaa in dadka ajaaniibta ah ay soo booqdaan.

Waloow dadka ugu badan ee ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxaasi ay ahaayeen muwaadiniin Thailand ah.

Waxaa la nadiifiyay agagaarka macbadka, waxaa sidoo kale la furay wadooyinkii ka agdhawaa.

COMMENTS
Latest News