Saxilnews.com
Qaar Kamid Ah Wasiiradii La Magacaabay Oo Is Casilaya “MAGACYADA”
January 29, 2015 - Written by admin

Wasiirada ilaa iminka xilalka loo magacaabay ka maagay inay qabtaan waxaa kamida:

  1. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
  2. C/raxmaan Yuusuf Cali Caynte

Fahad ayaa wararku sheegayaan inuu ka caga jiidayo xilka loo magacaabay oo uu ka door bidi lahaa wasaarad kale in loo dhiibo, isagoo la sheegay inay shirar lagu cadaadinayo inuusan is casilin oo ugu yaraan ka warsugo inay baarlamaanka ansixiyaan uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Faarax Sheekh C/qaadir. Fahad ayaa la sheegay inuu si cad ugu sheegay Xasan Sheekh iyo Faarax Sheekh C/qaadir inay fashilkooda kusoo darin, isaguna uu bannaanka ka ahaado herdanka siyaasadeed.

C/raxmaan Ceynte oo hadda madax ka ah hay’adda baarista Heritage ee Muqdisho ayaa cadaadis weyn kala kulmaya saaxiibo iyo qoyskiisa, iyadoo lagu tirtirsiiyay inuusan aqbalin xilka dowlad farqaha isku dhegan oo aanu magaciisa ku xumeyn xaalada cakiran ee hadda jirta.

Si kastaba ha ahaate, lama oga inay wasiirada doonaya inay is casilaan ay sii kordhi doonaan iyo inkale, waxaase soo baxaya in madaxtooyadu ku mashquulsan tahay sidii wasiiradii ay qoratay ay ugu qancin lahayd inay xilalkii lagu qoray ku qancaan.

C/raxmaan Odowaa ayaa la sheegay inuusan raali ka ahayn kana caga jiiday xilka wasiirka arrimaha gudaha isagoo saaxiibadii ay ku qasbeen, si wajigiisa oo ku cusub Siyaasadda Soomaaliya loogu shaqeysto raga Damul Jadiid maamula ee Faarax Sheekh Cabdiqaadir Iyo Cabdikariin Guuleedna ay Daaha Gadaashiisa ka maamulaan xilkaasi arrimaha gudaha

Xigasho WWW.CALANKA

COMMENTS
Latest News