Saxilnews.com
Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruuray xayiraad uu guddoonku ka saaray ka qeybqaadashada fadhiyada baarlamaanka
March 28, 2021 - Written by admin

MUQDISHO(Saxilnews.com)-Warqadda xayiraadda oo uu ku saxiixan yahay gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo nuqul ka mid ah BBC-da la soo gaarsiiyay, ayaa waxaa ka qaybgalka fadhiyada looga joojiyay 15 xildhibaan.

Xildhibaannadaas ayaa lagu eedeeyay inay hor istaageen fadhigii shalay, hasayeeshee isla xildhibaannadaas ayaa guddoonka golaha shacabka waxa ay ku eedeeyeen inay ajanda kale oo qarsoon ay wateen oo ay meelmariyaan.

Xildhibaannaasi waxaa ka mid ah Cabdirashiid Maxamed Xiddig waxa uuna wareysi uu BBC-da siiyay ku sheegay inaysan jirin wax laga mamnuucay laakin ay arkeen warqadda ka soo baxayday “guddoomihii hore ee baarlamaanka.”

COMMENTS
Latest News